WorldRemitAds

Murashax Maxamed Cabdi Kijaandhe oo isaguna ka hadlay madasha Isbahaysiga Murashaxiinta ayaa tilmaamay in aanay ku gelayn qaabka Xisbiga shirkiisa loo waddo. Waxaa kale oo uu xusay guddiga habeen hore madaxweyne Siilaanyo u magacaabay khilaafkan, waxaana uu akhriyay qoraalka Madaxweynuhu ku soo saaray oo uu sheegay inuu ka turjumayo mawqifka madaxweynaha oo weli sida uu sheegay dhinac ka raran. “Waxaa kale waa iska araare, waxaa uu ku yidhi Madaxweynuhu guddiga waxaan idiin magacaabay inaad si madaxbanaan u hubisaan eeg maaha inaad soo xalishaan waa inaad hubisaan inuu jiro wax qaladaad ahi, wixii aynu bisha ka hadlaynay oo dhan ayuu shaki geliyay. Warqada Madaxweynuhu soo qorayna waa taas oo maaha mid xalinaysa dhibaatada ka dhex jirta Kulmiye noomana cuntamayso” Ayuu yidhi.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.