WorldRemitAds

Maxamed Biixi Yoonis ayaa markii u horeysay ka hadlay wax qabadka uu dalkan u soo galay, waxaana uu yidhi. “Dad badan ayaa yidhaa Maxamed waa qurbo-joog, waa run qurba-joog waan ahaa, laakiin muddo dheer ayaan dalkan ka soo shaqeeyay oo aan macalin ka soo ahaa oo rag badan oo halkan fadhiya ayaa ardaydaydii ahaa… Waxaan ka hawl-galay oo aan aad iyo aad uga shaqeeyay shirkii Boorama. Shirkaas Kow iyo tobankii kun ($ 11,000) ee lagu unkay qabashadiisa ninkii u soo ururiyay ayaan ahaa ee u soo diray Alla ha u naxariistee Sheekh Ibraahim iyo Saleebaan oo halkan joogay dedaal badan ayaanu gelinay, markii la dagaalamayayna ragga dhaqaalaha ugu badan ku bixinayay ayaanu ahayn. Markii danbena 1993-kii waxaan ahaa ninkii Saddex milyan oo dollar u keenay Somaliland, ee halkaas maanta curyaamintu tahay lagu bilaabay oo boqolaal qof oo caguhu go’een loogu sameeyay caggaha Cabdiraxmaan Aw Cali oo madaxweyne ku xigeen ahaa ayaa joogay oo aan xadhiga ka jaray illaa maantana waa ay jirtaa aniga oo ah muwaadin reer Somaliland ah, waxaa iigu murugo weynayd maalintaas inan yar oo Lix jir ahayd oo la yidhaa Faadumo Biixi oo Iskuul loogu magac daray imika ayaanu labadda Lugood u xidhnay aniga iyo Cabdiramaan anaga oo ilmaynayna. Wax qabadkaas waan sii wadaynaa anigoo aaminsan in aan leeyahay awoodii iyo aqoontii iyo xidhiidhadii aan dalkan meel wanaagsan ku gaadhsiin lahaa.” Ka sokow tan waxaa uu ku taliyay in dib arrinta loogu noqdo xisbiga.

Halkan Hoose Ka Daawo

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.