WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 18, 2016 (Saxafi) – Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin diyaaraddo la sheegay inay duqeeyeen meel u dhow Oodweyne iyo kuwo soo degay Saylac agteedda.

Taliyaha Ciidanka oo kulan la yeeshay guddida arrimaha gudaha ee golaha Wakiiladda ayaa markii uu shirka ka soo baxay warbaahintu wax ka waydiiyeen diyaaradahaaasi iyo Ugaas xidhan sababta loo xidhay.

Taliye Fadal ayaa ka gaabsaday diyaaradaha lagu sheegay inay  midna ku soo degtay gobolka Saraar, halka mid kalena rasaas ku soo riday gobolka Daadmadheedh, taas oo warbaahinta qaarkood qoreen.

SomlegalAds

Mar diyaaradahaasi wax duqeeyey wax laga waydiiyey waxa uu yidhi “Duqaynta adigaa sheegi, laakiin wax dhibaato ahi ma jiraan”ayuu ku soo koobay.

Mar kale waxa wax laga waydiiyey Ugaas la sheegay inuu xidhan yahay oo musharaxa xisbiga WADANI ku dooday inuu xisbiga taageero, waxaanu sheegay in ugaasku uu sheegtay darajo aanu lahayn, isla markaana beeshiisa fidmo ka dhex bilaabay, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Ninkaasi waxa lagu xidhay sheegasho wax aanu ahayn, WADDANI-na looma xidhin, wax kalena looma xidhin, ee beesha uu ka soo jeeddo ayuu arrimo nabadgalyo daro ka dhex abuuray”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.