WorldRemitAds

 “Cidda eed ka dhigaysa dad is dilaya oo isku dhimaya ayuu heshiisiintooda ka qayb galay waa dad caqligu fooraro oo aan wanaaga garanayn.” Prof: Ismaaciil Buubaa Waraysi gaar ah.

Hargeysa, Somaliland, November 18, 2016 (Saxafi) – Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga qoray oo sheegayay in uu ka qayb galay shir ka qabsoomay dalka Imaaraadka Carabta oo lagu heshiisiinayay Maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug oo dagaal dhiig badani ku daatay uu ku dhex maray magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug oo ay labada Maamul goboleed wada degaan.

Waxaa kale oo uu sheegay in sidii uu Hargeysa u yimi in aanu marnaba ka bixin oo  uu sidii u joogo muddo laba sano ku dhawaad ah, waxaanu intaa raaciyay in haddii uu tegi lahaana ay ahaan lahayd wax wanaagsan oo uu qabtay ama ka qayb qaatay isagoo tilmaamay dagaalka Gaalkacyo iyo dhiiga daadanaya cidda ka ergaysa ee waan waan ka qayb qaadataa in ay wax wanaagsan qabatay halka uu ku tilmaamay kuwo caqligoodu fooraro cidda eed ka dhigaysa dad is dilaya ayuu heshiisiintooda ka qayb galay.

SomlegalAds

“Anigu shirkaa la sheegay kama qayb galin mana tegin sidaan Hargeysa u imina marna kama bixin cidda waxaa sheegtayna waa cid aan istaahilin in loo jawaabo oo wax aan jirin dadka u sheegaya, Cidda eed  ka dhigaysa dad is dilaya oo isku dhimaya ayuu heshiisiintooda ka qayb galay waa dad caqligu fooraro oo aan wanaaga garanayn. laakiin imika oo aan halkan Hargeysa kula joogo ayaan fursadan uga faaii,daysanayaa oo aan baaq nabadeed u dirayaa dadka halkaa ku dhimanayaa waxay laf jab ku yihiin guud ahaan Soomaali oo dhan hadday Somaliland tahay,hadday Soomaaliya tahay,hadday Kenya iyo Jabuuti iyo Itoobiya tahayba iyo hadday tahay Soomaalida kale ee caalamka daafihiisa ku noolba,waxaanan leeyahay dagaalka Gaalkacyo ka socda iyo dhiig baxaa joojiya meesha ka socda.”ayuu yidhi Prof Ismaaciil Buubaa.

Waxaa kale, oo uu ka  hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee gogoshoodu ay taallo Turkiga oo uu sheegay in wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya uu yahay jidka aqoonsiga Somaliland laakiin loo  baahan yahay waxyaabaha wada hadalka ka qaldan in la saxo, taasoo uu sheegay in ay ku fashilantay Xukuumadda KULMIYE ee imika talada haysa oo uu ku tilmaamay mid aan garan ujeedada wada hadalka isla markaana aan la tegin qorsheyaal cad oo caalamka u cuntama, taasina ay sababtay in mar kasta waxa wada hadalada ka soo baxa la qaato, qorsheyaasha ka yimaadda dhanka Soomaaliya.

Waxaanu intaa raaciyay in Xisbiga WADDANI haddii uu xukunka ku guulaysto in ay sixi doonaan waxyaabaha ka qaldan wada hadalada labada dhinac isla markaana ay soo bandhigi doonaan qorsheyaal caalamka u  cuntama oo Somaliland iyo Soomaaliya oo laba dal oo jaar ahi ay wax ku heshiiyaan isla markaana Somaliland caalamka aqoonsi buuxa kaga heli doonto.

Waxaa kale oo uu meesha ka saaray in ay dib u soo noqon karto wax Soomaali weyn ah oo taasi aanay dan u ahayn Somaliland iyo Soomaaliya midnaba isla markaana labaduba ay ku faa’iidayaan mid kastaaba in ay gaarkeeda dawlad u ahaato oo xidhiidh dhaw oo walaalnimo uu ka dhexeeyo. “Somaliland iyo Soomaaliya oo laba dal ah oo xidhiidh wanaagsan yeesha ayaa maanta loo  baahan yahay’ dawladda WADDANI,ayaana arrintaa hirgalin doonta” ayuu yidhi.

Prof Ismaaciil Buubaa Mar uu ka hadlayay qaabka federaalkii  uu hore u aaminsanaa iyo nooca uu ahaa iyo in uu kaasi dhamaaday ayuu yidhi.“Federaalkii aan doonaynay maaha ka maanta koonfurt ka jira ee ah gobolo iyo kooxo ay isu qaybisay ee wuxuu ahaa mid ay isugu yimaadaan Somaliland iyo Soomaaliya’siyaasaduna maaha been iyo khiyaamo ee waa  xaqiiq iyo hadaf iyo himilo aqooni hagayso oo ummadaada lagu hago.”

Buubaa oo waraysi gaar ah siiyay shabakada wararka ee Xogsoormedia.com waxaa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha laga filan karo guusha Madaxweynaha cusub ee Maraykanka  iyo in aanay suuragal ahayn in ay dhacaan waxyaabo badan oo uu Trump xilligii ololaha uu ku hadlayay in ay dalkaa ha hir galaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.