WorldRemitAds

 “Maaha dhinaca siyaasadda, laakiin waa in lagu xalliyo, sharciga..”

Brussels, Belgium, November 18, 2016 (Saxafi) – Baarlamaanka Yurub ayaa lagu dhaliilay inaanu ka hadal aqoonsiga Somaliland iyo in dal madaxbanaan loo aqoonsado, sida lagu sheegay war saxafaadeed laga soo saaray kulan heer sare ah oo doraad shalay qabsoomay.

Kulan laga doodayey dhinaca sharciga iyo siyaasada ee aqoonsiga Somaliland oo lagu qabtay  xarunta Baarlamaanka Yurub, ee Brussels, isla markaana uu gudoominayey afhayeenka xildhibaanada isbedel-doonka ah Mr. Nirj Deva ayey sidoo kale hadalo ka jeediyeen khubaro iyo xildhibaano u ololeeya qadiyada dib-u-aqoonsiga Somaliland sida  Charless Tannock, James Carver, kaaliye hore oo Xoghayaha Guud ee Qaramada Sir Desmond de Silva iyo waliba Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Marwo Edna Adan Ismaaciil oo lagu marti qaaday.

SomlegalAds

War-Saxaafadeed gabagabadii uu soo saaray  Mr. Robert Taylor, Madaxa Warbaahinta, xildhibaanada isbedel-doonka ayaa u dhignaa sidan: “Soomaaliya In kasta oo dagaal uu ka jiray muddo ka badan labaatan sano, haddana qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya ee dhacda xeebta koonfureed ee Gacanka Cadmeed ayaa, tan iyo waqtii ay ku dhawaaqday dib ula soo noqoshadda madaxbanaanida 1991, u  hogaansameysay heerka kasta oo maamul wanaag iyo hanaanka dimoqraadiga ah guul.”

Gudoomiyahii fadhiga lagaga hadlayey aqoonsiga Somaliland, Mr Nirj Deva ayaa yidhi, “Muddo dheer ayeynu indhaha ka qarsanaynay dhibaatooyinka iyo caqabadaha haysta dalkan yar (Somaliland), oo dedaalo badan u maray inuu buuxiyo dhamaan calaamadaha muujinaya dal bulsho xor ah oo dimuqraadi ah. Waa inaan ka xishoono innagoo isku tirinayna gole bulsho xadaarad leh, oo qiimaysa hadafyada bulshada xorta ah, inaan ka aamusno taageeradeeda.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo kulanka ka hadlay aya yidhi,  “Somaliland waxay samaysatay lacag u gaar ah, abuuratay hanaan dawladeed shaqeeya, dhisatay ciidan amaanka iyo ciidamo tababaran, soo qabsadeen doorashooyin kala duwan oo qaab xor iyo xalaal u dhacay, xukunkana nidaam loola kala wareegay.”

In ka badan labaatan sannadood tan iyo markii ay madax banaanida lagu dhawaaqay, qaranimada Somaliland ayaa weli si buuxda caalamka dalna u aqoonsan, inkastoo marar kala duwan loo qiray   xasiloonida iyo maamul wanaaga ka jira.

Sir, Desmond De Silva, oo ah u-doode xuquuqda caalamiga ah oo ka hadlayey kulankii ka dhacay baarlamaanka yurub ayaa yidhi, “Burcad-badeednimada, xagjirnimada iyo dambiyada baahsan  waa sababaha Soomaaliya cunaqabatayn aduunku ugu soo rogay, nasiibdarana qeyb ka tahay Somaliland oo dabiiciyan iyo maamul ahaanba ka fog dambiyada loo ciqaabayo…Hadii Somaliland xaaladan lagu lamaaneeyey Soomaaliya ku sii sugnaato, mujtamac tiradoodu gaadhayso 3.5 Milyan ayaa u ciqaabnaan doonaan cawaaqibka falal aanay geysan? Waa waddan buuxsaday dhamaan shuruudaha maamul-wanaaga, haddaynaan talaabo qaadin xilligan, waxaan ogolaan doonaan in dal kaloo xasiloonaa ku dambeeyo dal fashilmay.”

Mr Deva, oo gebagebadii kulankan lagaga doodayey qadiyadda aqoonsiga Somaliland ka hadlay ayaa yidhi,  “Sidaan ku amaani karaa hal daqiiqad sharafta Somaliland u qalanto, wadan xaqiiqiyan shaqeeya, xor ahaan muddo ka badan 25 sannadood, jasiirad xasiloon oo ka mid ah gobolada ugu qalalaase badan caalamka, haddana, marka wakhtigu yimaado in la qaado talaabo dareen lagu siinayo, Midowga Yurub goobta kama muuqdo? “Waa inaan ka helo nafteena go’aan aynu qaraar ugu gudbino Baarlamaanka Yurub, dalbanaya dareenka caalamku u soo jeesto, kuna taliya in kiiskan loo diro Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda..Maaha dhinaca siyaasada, laakiin, tan waa in lagu xalliyo sharciga.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.