WorldRemitAds

London, UK, June 19, 2015, (Saxafi) – Warbaahinta Ingiriiska ayaa bilowday dagaal ka dhan ah Orodyahanka biladaha badan u soo hooyay ee Maxamed Faarax.

Wararkii ugu danbeeyay ee ay ka qortay BBC-duna waxaa ka mid ah kan. “Oradyahan Maxamed Faarax, ayaa seegay laba baadhitaan oo lagu sameyn lahaa oo ah inuu isticmaalay dawooyin awoodda jidhka xoojiya iyo in kale ka hor ciyaarihii Olimbikada ee London 2012-kii, wargays ayaa sidaa ku dooday.

Warkan ayaa ku soo beegmaya ka dib markii baadhitaan ay BBC samaysay lagu eedeeyay tababarihiisa Maraykanka ah in uu dawooyin noocaas ah adeegsado.

SomlegalAds

Biladaha dahabka ee Maxamed Faarax ee shanta iyo tobanka kun ee mitir ee uu ku guulaystay ciyaarihii London 2012-kii, ayaa ka mid ahaa muuqaaladii ugu qiimaha badnaa ee ciyaarahaas.

Hase yeeshee, waxaa haatan la sheegayaa in ay suuragal tahay in ay biladahaasi khatar geli karaan.

Sida uu sheegay wargeyska Daily Mail, oradyahankan masaafadda dhexe ee reer Britain ayaanan 2010-kii lagu sameyn baadhitaan dhanka adeegsiga dawooyinka jidhka xoojiya ah, hadana wuxuu ka baaqday baadhitaan kale sanaddii xigtay.

Haddii uu mar saddexaad muddo 18 bilood gudahood ah ka baaqan lahaa baadhitaanaddan, waxaa macnuhu noqon lahaa in Maxamed Faarax afar sano laga mamnuuco oradka, arrintaana waxa ay ka hor istaagi laheyd inuu ka qeyb qaato ciyaaraha Olimbikada ee ka dhacayay dalkiisa.

Arrimahan oo dhan ayaa imanaya kaddib eedo ku soo muuqday barnaamij BBCda ka baxay laba todobaad ka hor, kaas oo lagu sheegay in tababaraha Mo Faarax ee Ameerikaanka ah, Alberto Salazar iyo ciyaaryahanka ay wada-tababartaan ee Galen Rupp ay ku lug lahaayeen isticmaalka dawooyinka quwadda siiya ciyaaryahanada.

Labaduba si xoog leh ayay u beeninayaan, , mase muuqato in Mo Faarax uu jabiyay wax sharci ah.

Wargeyska the Daily Mail, ayaa sheegay in markii koowaad ee uu Mo Faarax ka baaqsaday baadhitaanka ay u muuqato in ay aheyd dhowr bilood ka hor inta aanu haystaha labada biladood ee Olympicada u tagin si uu u tababaro Salazar oo degan Oregon horaantii sanadkii 2011.

Waxaa wargeysku sheegayaa in gafidda labaad ay dhacday markaas kadib , hasa yeeshee oradyahanka uu racfaan u dirsaday wakaaladda u xilsaaran UK ka hortagga isticmaalka dawooyinka xoojiya ciyaartoyda ee UK Anti-Doping Agency, isagoo ku dooday in aanu maqlin Dawanka albaabkiisa markii ay dadka sameeya tijaabada ay yimaadeen gurigiisa.

Maxamed Faarax ayaa haatan waxa uu ku tababaranayaa waddanka Faransiiska isagoo xaqiijiyay in markii ugu horreysay uu tartan ka qaybgali doono tan iyo soo ifbixii eedahana adeegsiga dawooyinka awoodda jidhka kordhiya ee tababarihiisa loo soo jeediyay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.