Wasaaradda Biyaha Somaliland Oo Soo Kormeertay Ceelasha Berbera

Agaasimaha Guud ee wasaarada biyaha Somaliland Jamaal Cabdi Muuse  oo ay Wehelinayan Isuduwaha wasaarada Biyaha ee Gobolka Saaxil Ibraahin Cumar Maxamuud  iyo Saraakiil sare oo ka Tirsan wasaarda biyaha ayaa Booqdey Ilaha Biyahu Uga Yimaadeen Berbera.

0
PropellerAds

Berbera, Somaliland April 15, 2018 (Saxafi) – Agaasimaha Guud ee wasaarada biyaha Somaliland Jamaal Cabdi Muuse  oo ay Wehelinayan Isuduwaha wasaarada Biyaha ee Gobolka Saaxil Ibraahin Cumar Maxamuud  iyo Saraakiil sare oo ka Tirsan wasaarda biyaha ayaa Booqdey Ilaha Biyahu Uga Yimaadeen Berbera.

Deeganada ay booqdeen wafdigani ayaa waxaa ka mid ahaa  Dubaar, Dooxyada Faro Deero,Ceelgumare iyo Dooxa kala jab , Iyadoo Wiigagii u danbeeyay Dooxyadan Laga Hirgaliyay Ceelal Cusub oo Lagu dari Doono nidaamka  Biyaha Berbera.

Agasimaha Guud Ee wasaarada horumarinta biyaha Ee Somaliland waxaa kale oo uu booqday xafiiska wasarada biyuhu ay ku leedahay Berbera, halkaAsi oo uu kula kulmay maareeyahA wakaalada biyaha Berbera Axmed Aadan Ismaaciil iyo agasimayasha waaxyaha kala duwan.

Agaasime Jamaal ayaa safarkiisan shaqo wuxuu daaran yahay sida uu sheegay dar dar galinta wax soo saarka biyaha oo mudooyinkii u dambeeyay cabasho ka taaganayd, waxaanu sheegay in dadaal badan oo wasaarad ahaan ay sameeyeen xiligan berbera ay ka hirgaliyeen ceelal cusub oo wax wayn ka tari doona bahida biyaha Berbera.

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.