WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, November 18, 2016,(Saxafi) – Guddoomiyaha garabka toosinta iyo caddaaladda xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed iyo wafdi u hogaaminayo ayaa si weyn shalay loogu soo dhaweeyey.

Weftigan oo ka kooban lix xubnood, lana baxay garabka toosinta xisbiga Waddani ayaa markii ay soo gaadheen Magaalada waxay fagaaraha kubadda cagta kala hadleen kumanyaal qof oo ka mid ah taageerayaasha garabkaaasi.

Guddoomiyaha garabkaasi , Axmed Muumin Seed oo la hadlay dadkaasi ayaa uga mahad-celiyey sida weyn ee ay taageerayaasha garabkaasi cududooda ugu soo bandhigaan magaalada Boorama, isagoo dhinaca kalena taageerayaashii halkaa isugu yimid u sheegay inaan dalku lahayn afar xisbi Qaran, sidaa darteedna ay ka soo taliyaan aayaha garabka toosinta iyo mustaqbalkiisaba waxay ku taliyaanna u garabkiisu aqbali doono.

SomlegalAds

soo-dhaweynta2Sidoo kale, munaasabaddan ayaa waxa ka hadlay siyaasiyiinta garabka toosinta ee wafdiga ka mid ahaa, salaadiin iyo xubno ka tirsan xisbiga UCID oo fagaarahaasi ka sheegay inay ka xunyihiin caddaalad daradii Guddoomiye Cirro meesha kaga saaray Axmed Muumin Seed iyo taageerayaashiisiiba intii lagu jiray shirweynihii xisbiga Waddani ee bishii hore ka dhacay Hargeysa.

Soo dhaweyntan ayaa aad uga mug weyneyd tii Boorama loogu sameeyey musharraxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani ku doortay shirweynihiisii.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.