WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 17,2016 (Saxafi) – Munaasibad Habeen hore lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa Shahaado-Sharafyo lagu Guddoonsiiyey Dadkii ka qayb-qaatay Hirgelinta Tartankii Ciyaaraha Gobollada Somaliland iyo Warbaahintii sida Joogtada Gudaha iyo Dibaddaba ugu gudbinayey tartankaasi.

Xafladdan oo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Shahaado-sharafyo ku guddoonsiisay Shirkadaha iyo Shaqsiyaadka sida tooska ah iyo sida Dadban ba uga taageeray hirgelinta tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland, ayaa waxa sidoo kale Dadka Shahaado-Sharafta lagu Guddoonsiiyey ka mid ah Maamulka Shabakadda Ciyaaraha ee CADALOOL.COM oo intii tartanku socday si toos ah ugu gudbinaysay Ciyaaraha Dadka Internet-ka Isticmaala ee ku kala nool daafaha Adduunka.

CADALOOL.COM oo ah Shabakad ama Mareeg si Maalin leh Ciyaaraha Dalka iyo kuwa dibedda ugu baahisa Internet-ka, ayaa Wasaaradda Ciyaaruhu uga mahad-celisay doorkii ay ka qaadatay Baahinta Tartankii Ciyaaraha ee Gobollada Somaliland isla-markaana ay Shacabka Gudaha iyo dibedda ee Internet-ka Isticmaala uga haqab-tirtay Daawashada Ciyaaraha.

SomlegalAds

Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Faarax Maydhane iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo ka hadlayey Munaasibaddii Cadalool.com iyo Dadka kale lagu guddoonsiiyey Shahaado-Sharafyada, ayaa si isku mid ah u xusay in Cadalool ay Shahaado Sharafta la siiyey ku muteysatay doorkii wanaagsanaa ee ay ka qaadatay baahinta Ciyaaraha Gobollada Dalka, sidaa darteedna ay mudan tahay in lagu maamuso wax-qabadka ay muujisay.

Waxa Xusid Mudan in Xafladdaasi Shahaado-Sharafyo lagu Guddoonsiiyey Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Koleyga Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qodax) iyo Guddoomiyaha Xidhiidhka kubadda Cagta Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.