WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 10, 2016 (Saxafi) – Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-Jeex ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Iid Dhimbiil, ayaa xalay soo saaray liiska lix iyo labaatan masuul oo uu u magacaabay maamulka degmooyinka gobolka Maroodi-Jeex ee xisbiga KULMIYE.

Magacaabistan oo ah tii ugu ballaadhnayd ee uu xisbiga KULMIYE u magacaabo masuuliyiinta gobolada ee xisbigaas, ayaa isugu jira guddoomiyeyaal, ku-xigeeno iyo xoghayeyaalba, waxaanay magacaabistan oo dhammaystirani u qornayd sidan:

“Ujeeddo: Magacaabis Maamulka Demooyinka Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga KULMIYE

SomlegalAds

Kadib markii aan arkay muhiimadda dhismaha maamulka degmooyinka caasimadda ee xisbiga KULMIYE u leeyahay hawlaha iyo habsami-u-socodka abaabulka xisbiga,

Markaan ku qancay kartidooda iyo aqoontooda maamul,

Waxaan digreeto Guddoomiye maanta oo ay bishu tahay December 9, 2016 ugu magacaabay xubnaha hoos ku qoran inay noqdaan Maamulka Degmooyinka Caasimadda Gobolka Maroodijeex ee xisbiga KULMIYE:

  1. Axmed Maxamed Xaaji Cali – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha degamada 26 Juun ee xisbiga KULMIYE.
  2. Muxuyodiin Cabdi Shiil – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka degmada 26 Juun ee xisbiga KULMIYE.
  3. Cabdiqaadir Maxamed Kabadhe­ ­- In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha degmada 26 Juun ee xisbiga KULMIYE
  4. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jaamac – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha garabka dhallinyarada degmada 26 Juun ee xisbiga KULMIYE
  5. Caydaruus Axmed Ismaaciil – in maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa abaabulka iyo wacyigalinta Degmada 26 Juun ee xisbiga KULMIYE.
  6. Khadar Ibraahin Dugsiiye – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha degmada Ibraahim Kood-buur ee xisbiga KULMIYE
  7. Mowliid Nuur Sidci – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka degmada Ibraahim Kood-buur ee xisbiga KULMIYE
  8. Maxamed Abiib Cismaan – in manta laga bilaabo uu ahaado Xoghaya degmada Ibraahim Kood-buur ee xisbiga KULMIYE
  9. Cabdicasiis Axmed Maxamuud (Buuni)- in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha dhallinyarada degmada Ibraahim Kood-buur ee xisbiga KULMIYE
  10. Yaasmiin Maxamed Axmed – in maanta laga bilaabo ay ahaato Madaxa abaabulka iyo wacyigalinta degmada Ibraahim Kood-buur ee xisbiga KULMIYE
  11. Maxamed Jaamac Qoofal – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Degmada Axmed Dhagax ee xisbiga KULMIYE
  12. Cabdi Shukri Maxamuud – i n maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka Degmad Axmed Dhagax ee xisbiga KULMIYE
  13. Haybe Good Hurre – in maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Degmada Axmed Dhagax ee xisbiga KULMIYE
  14. Mustafe Yuusuf Dhagocadde – in laga bilaabo maanta uu ahaado Guddoomiyaha garabka Dhallinyarada Degmada Axmed Dhagax ee xisbiga KULMIYE
  15. Xuseen Qorane Xasan – in maanta laga bilaabo u ahaado Madaxa Abaabulka iyo Wacyigalinta Degmada Axmed Dhagax ee xisbiga KULMIYE
  16. Axmed Cabdi Cismaan – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Degmada Maxamuud Haybe ee xisbiga KULMIYE
  17. Maxamed Ismaaciil Daahir –in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka Degmada Maxamuud Haybe ee Xisbiga KULMIYE
  18. Siciid Aadan Gaaxnuug – in maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Degmada Maxamuud Haybe ee Xisbiga KULMIYE
  19. Cabdiraxmaan Cismaan Cali – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Dhallinyarada Degmada Maxamuud Haybe ee xisbiga KULMIYE
  20. Xuseen Yuusuf Cabdillaahi – in maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Abaabulka iyo Wacyigalinta Degmada Maxamuud Haybe ee xisbiga KULMIYE 21. Axmed Yoonis Aadan (Juxa) – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Degmada Gacan-libaax ee xisbiga KULMIYE
  21. Axmed Yusuuf Xandulle – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka Degmada Gacan-libaax ee xisbiga KULMIYE
  22. Khadar Cumar Cabdi – in maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Degmada Gacan-libaax ee xibiga KULMIYE
  23. Maxamed Jaamac Siciid – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Degmada Gacan-libaax ee xisbiga KULMIYE
  24. Cabdillaahi Aadan Caabbi – in maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Abaabulka iyo Wacyigalinta Degmada Gacan-libaax ee xisbiga KULMIYE

26 Cabdirisaaq Koosaar Maxamuud (Timiro) – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Heer Gobol ee xisbiga KULMIYE.

ALLAA MAHAD LEH.

Maxamed Iid Dhimbiil

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga KULMIYE

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.