WorldRemitAds

Berbera, Somaliland, November 22, 2016 (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay joojisay qaxootigii ka imanayey dalka Yemen, kuwaas oo isugu jiray Soomaali iyo Yemen.

Qaxootigan oo sadexdii sanno ee u dambeeyey ka soo qul qulayey wadanka Yemen ka dib dagaalo ka socday wadankaasi, kuwaas oo boqolaal ka mid ahi soo gaadheen wadanka Somaliland.

Haseyeeshee, wararka naga soo gaadhay dekadda Berbera ayaa sheegay inay hakiyeen dad qaxooti ah oo doonayey inay yimaadaan Somaliland, kuwaas oo ka soo qaxay Yemen, waxaana lagu sababeeyey xannuunno ka dilaacay wadankaasi oo laga qabo inay faafiyaan qaxootigaasi soo galaya wadanka.

SomlegalAds

Badhasaabka gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed  oo aanu khadka telefoonka ku waraysanay ayaa sheegay sababta xukuumaddu u joojisay qaxootigaasi ay ahayd xanuunka Daacuunka ama shuban biyoodka oo ka dilaacay Yemen, isla markaana wadamadda la jaarka ah Yemen ay joojiyeen qaxootigaasi sida wadanka Jabuuti oo iyaguna joojiyey qaxootigii uga imanayey Yemen.

Badhasaabka gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf oo aanu waydiinay sababta u joojiyeen qaxootigii Yemen ka imayey waxa uu yidhi  “Sababtu waxa weeye waxa wadanka Yemen ka dilaacay xanuunka daacuunka ama shuban biyoodka dadka ku dhaca, sidaa awgeed ayaanu u joojinay qaxoontiga si ku meel gaadha illa inta xal u helayno xanuunka Shuban biyoodka”

Isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Go’aankan waxa kale oo gaadhay wadanka Jabuuti ka dib markii xanuunkaasi ka dilaacay dalka Yemen, isla markaana wakhti xaadirkan ay ku hawlan yihiin sidii ay xal u heli lahaayeen arrinta, waxana maamulka gobolka Saaxil si wada jir ah u wadaan xal u raadinta xanuunka oo ay ka wada shaqeynayaan wasaaradaha caafimaadka iyo sidoo kale hay’daha caalaamiga ah.”

Dhinaca kale, mar aanu wax ka waydiinay doon yar oo siday qaxoonti iskugu jirta Soomaali iyo Yemen oo tiradoodda lagus heegay inay dhamayd illaa afartan qof, taas oo dhawr maalmood lagu hayey Badda dusheedda, iyadoo la sheegay in mulkiilihii Doonta xabsiga loo taxaabay, ayaa Badhasaabku sheegay in doonta rusqaddu ka dhacsanayd oo aan la cusboonaysiin, islamarkana qaxoontigii saarnaa doontaas la dejiyey baadhitaan caafimaadna wakhtigan xaadirka ah lagu waddo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.