WorldRemitAds

Coodaale, Somaliland, November 22, 2016 (Saxafi) – Alla ha u naxariista waxa Haraad shalay ugu geeriyooday deegaanka Coodaale wiil 12 jir ah oo ka mid ahaa dadkii ka soo qaxay abaarta ka dhacday bariga.

Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo oo madaxweynaha warbixin ka siinayey saameynta abaarta ka jirta goboladda bariga ayaa sheegay in loo soo sheegay in wiil yar oo 12 jir ah oo baadi doon geel ah u geeriyooday haraad iyo biyo la’aan, isagoo sheegay inay dadku hali sugu jiraan biyo yaraan.

Badhasaabku wuxuu sheegay in deegaanka Coodanle ay iskugu yimaadeen dad faro badan iyo xoolahooga, waxaanu sheegay in deegankaasi leeyahay daaq ay xooluhu cunaan balse aanu biyo jirin oo xoolaha oo kaliya wax ay cunaan ka heli karaan muddo gaaban.

SomlegalAds

Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo oo wiilkaasi yar ee haraadka u geeriyooday ka hadlaya waxa uu yidhi “Madaxweyne waxa abaarta noo raaca culays nagaga yimid dadkii abaarta ka soo qaxay, hadda waxa la ii soo sheegayaa inan yar oo sabi ah oo 12 jir ah oo geel baadi doon tagay oo meesha Barri tagayno hadda ku geeriyooday coodaale dushiisa, haraad buu u dhintay”.

Wiilkan yari waa qofkii ugu horeeyey inta la ogyahay ee la diiwaangeliyey ee haraad ama biyo la’aan u geeriyooday intii abaaraha gobolada bariga la soo sheegayey.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.