WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland November 22, 2016 (Saxafi) – Garabka xisbiga UCID ee Jamaal Cali Xuseen oo wada hadal la furay xisbiga taladda haya ee KULMIYE, waxaana kulankii ugu horeeey ku yeesheen magaaladda Hargeysa.

Kulankan ayaa shalay ka dhacay hudheelka Maansoor  waxa xisbiga Kulmiye uga qayb-galay gudoomiye ku xigeenka kowaad mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo uu wehelinayo xoghayaha guud ee xisbiga Xasan Siciid Yuusuf, halka dhinaca garabka Jaamal Cali Xuseen uu hogaaminaye Xasan Cusmaan Aadan (Eng. Sabce) oo ay wehelinayan Xuseen Xasan Badmaax, xoghaye Aadan Suldaan Cabdiraxman (Aadan Jaambiir).

Kulamadan ay masuuliyiinta garabka Jaamal Cali Xuseen ayaa mar labaad la kulmaya masuuliyinta hogaanka xisbiga Kulmiye (Isniinta iyo Salaasada), halka ay u qoondeeyeen laba maalmood oo kala ah Arbaca iyo Khamiis in ay la kulmaan masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxana ujeedada kulamadan ay daba socdaan ka dib markii muran iyo khilaaf la galiyey musharaxnimada iyo heshiiska garabka Jaamal Cali Xuseen ay la galeen gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) sanadkii 2012, islamarkaana khilaafkoodu gaadhay gudiga ururada asxaabta siyaasada iyo maxkamada sare ee dastuuriga ah ee Somaliland oo go’maadi ka soo baxay ay labada dhinac isku waafaqi waayeen.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.