WorldRemitAds

Dalka Zimbabwe ee koonfurta qaaradda Afrika ku yaala oo hodan ku ah, duur-joogta noocyadeeda kala duwan, gaar ahaan Maroodiga oo sida qaramadda midoobay shaacisay Maroodiga ugu badan duniddu ku dhaqan yahay dalkaas, waxa dhawaan wabi ku yaala seeraha ugu wayn dalkaas, ka dhacay dagaal qadhaadh oo dhex maray Maroodi iyo Yaxaas.

Dagaalkan ayaa dhacay xili maroodi dhidig oo waliba lamaani u arooray wabiga, hasa yeeshee waxa Mar qudha Gacanka kaga dhegay Yaxaas, Maroodigii ayaa xoog u isticmaalay kuna guulaystay inuu yaxaaskii oo uu gacanka ku sito dibadda ugala soo baxo wabiga.

Markii la iska gaadhay dibada wabiga ee biyihii la iska baxay ayuu yaxaaskii Lafiihasa u baqday oo gacankii Maroodiga ku sii daayay sida sawirka idiinka muuqata, hasa yeeshee maroodigii yaraa ayaa dusha uga baxay yaxaaskii, waxaanu u diiday inuu wabiga dib ugu noqdo.

SomlegalAds

Ka dibna waxa soo dhex galay oo u soo kala gurmaday ilaaladii duur joogta ee seerahaas ku sugnaa, Yaxaaska ayaa ah dilaa arxan daran aadna u caqli xun, waxaanu doonaa inuu noole kasta weeraro xitaa hadii  uu toban jeer ka wayn yahay, halis kastana ku galayo, halka Maroodigu ka yahay noole xoog wayn oo nabad galyo badan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.