WorldRemitAds

Ciidamada daba galka alaabooyinka kootarabaanka ah ee dalka Hindiya ayaa argagax iyo amakaag ka qaaday nin ay ku tuhmeen inuu macdan kala duwan si aan sharci ahayn uga saarayo dalkaas.

Ninkan oo dhalashadiisu tahay Siirilaanki ayaa sida warbaahinta ay xarun caafimaad u xaqiijisay waxa uu liqay 2060-qidcadood oo Macdan kala duwan isugu jira, intooda badanina tahay Dheeman, Booliska kootarabaanka daba-galka ku sameeya oo tuhunka ninkan daba socda ayaa si ka dis ah u baadhay alaab uu sitay wakhti uu doonayay inuu ka dhoofo magaalo dalkaas ku taala madaarkeeda.

Markii boolisku baadhitaan balaadhan ku sameeyeen alaabtii uu sitay ayaa gabi ahaanba wax raad ah oo muujinaya inuu si kootorobaan ah u saarayo macdan la waayay, waxaana loo fasaxay inuu iska baxo, hasa yeeshee waxa dib looga shakiyay markii uu fadhiisan kari waayay kursiga tagsi uu soo kiraystay oo gaadhsiinayay madaarka.

SomlegalAds

Mid ka mid ah saraakiisha daba-galka ku samaysa kootorabaanka oo waydiiyay waxa ka maanacay inuu fadhisto ayuu ugu jawaabay “Waxaan qabaa xanuunka Babaasiirta oo si adag ii haya mana awoodi karayo inaan fadhiisto, intii hadalka la waday ayuu hadana ninkani bilaabay inuu sidii qof matag hayo u dhaqmo.”

Waxay xaaladaa adag ee uu ku sugnaa ku khasabtay booliskii in gurmad deg deg ah ay u sameeyaan ulana cararaan cusbitaal goobta ka ag-dhawaa, markii la geeyay dhakhtarka ayay dhakhaatiirtii sheegeen in ninkani dhagxaan liqay oo qaliin deg deg ah u baahan yahay, waxaana laga soo saaray laba kun iyo lixdan qidcadood oo macdano kala duwan ah, intooda badanina dheeman tahay.

Ninkan oo aan magaciisa la shaacin waxa uu dhakhaatiirta u sheegay in ugu yaraan laba jeer oo hore uu sidan oo kale u kootarabaaniyay dahab, dheeman iyo macdano kale oo qaali ah, mar kasta oo uu sidan oo kale macdan liqo, kuna guulaysto inuu sharciga si qarsoodi ah u dhaafiyo, uu qaadan jiray qiime lacageed oo u dhigma 225-dollar.

Sida Ninkani sheegay inuu wakhti ka mid ah xiliyadii uu sida qarsoodiga ah u saarayay macdanahan uu 44-xabadood oo jawharado ah liqay, kuna guulaystay inuu si qarsoodi ah dalka kaga saaro.

Dhakhaatiirta iyo booliska ayaa aad u la yaabay xadiga dhagxaanta macdanta ah ee uu ninkani liqay markii calooshiisa laga soo saaray, hasa yeeshee ninka arintan ku kacay ayaa isagu sheegay in dhibaatadu ka dhacday wakhtiga oo ku dheeraaday iyo ogaanshaha booliska oo khalkhal galiyay.

Waxa kale oo uu sheegay in markasta oo macdan kootorabaan ah liqayo uu laba saacadood ka hor xiliga duulimaadka uu qoran yahay uu sii liqi jiray si naftiisa iyo macdantaba uu u badbaadiyo.

Xaaladaha noocan oo kale ah ayaa had iyo jeer ka dhaca dunida waxaana marar badan dhacda in diyaaradu hawada ku raagto oo qof maandooriyayaal ama macdano uu soo liqay u xanuunsado ka dibna qalin lagu sameeyo. Ninkan qiimaha uu naftiisa halista u galiyay ahaa 225-dollar ayaa alaabta uu liqay qiimo ahaan dhamayd boqolaal kun oo dollar.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.