WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 17, 2015 (Saxafi) – Hadhimo-sharafeed lagu maamusay xubnihii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ee codka siiyay Murrashixii ku tartamayay Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga KULMIYE Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) ayaa shalay lagu qabtay Huteelka Green plaza ee Magaalada Hargeysa.

Xafladan qado-sharafta oo uu u sameeyey Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) 114-kii xubnood ee codka siiyay, ayaa waxa ka soo qeybgalay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirka Boosaha iyo Is-gaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal, La-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca arrimaha dhalinyarada Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi, Wasiir Qorsheynta Qaranka Cali Salaan Jirde (Cali-Shoonbe), Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTECO), La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Haweenka Marwo Amaal Xaaji Miisaan, Xildhibaano ka kala socday labada Gole Baarlamaan (Guurtida iyo Wakiillada), Haween, Dhalinyaro, Aqoonyahan, iyo marti sharaf kale oo tiro baddan.

Maxamuud Garaad Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyay dhamaan-ba intii ka soo qeybgashay xaflada, waxaanu yidhi “Xubnaha is-bahaysiga midnimo doonka Somaliland ee Golaha dhexe ee KULMIYE, iyo marti sharafta kale waan idin salaamayaa, waxa farxad noo ah xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE ee u coddeysay Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye). Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE waxa I soo baxday ragga iyo dumarka inay dumarku aad u caqli baddan yihiin, aad u go’aan adag yihiin, waanan u mahad-celinayaa intii u codeysay iyo intii ka codeysay-ba”.

SomlegalAds

Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Dhamaanteen guul ayay in oo tahay inaga oo Xisbiga KULMIYE ah inaynu isugu nimaadno qaddadan uu inoo sameeyey Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) oo ahaa Murashax Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga KULMIYE. Maanta waxaan leeyahay dadka u codeeyey Xaglotoosiye waa dadkii ugu mudnaa qaranimada, mideynta iyo fikirka Somaliland. waxa arrintan ka qeybglay Dhalinyaro, Waxgarad, Aqoonyahan ayaa hawshan ka qeybgalay waxa uu naga mudan yahay inaynu ixtiraamno Siyaasadana isku fikir ayaynu ahaan doonaa. ”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Xisbiga KULMIYE ama aynu u codeyno Dr. Saleebaan ama aynu u codeyno labada Murrashax ee kale ee guuleystay (Muuse Biixi Iyo Saylici), Xisbiga KULMIYE waa mid waanan ku shaqeynaynaa, aad iyo aad ayaan ugu mahad-celinayaa Gabdhaha Somaliland”.

XaglosooiyeXildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka mida Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan halkan ka sheegayaa inaynu ugu badheedhnay wixii Shirkaasi guul iyo guul-daraba innagaga yimaada. Waxaanan halkan uga mahad-celinayaa dhamaan akhyaartan halkan isugu timi ee ku midowday codkii ay siiyeen Dr. Saleebaan Ciise Axmed. 10-ka sanadood ee ay dimuqraadiyadu jirtay ee aynu Xisbiyada sameysanay, weli waxaan qabaa inaanay tisqaadin oo ay u baahan tahay shaqo fara baddan, waxaan qabaa nidaamka la isku doorto in wax laga bedelo, waxa kale oo aan qabaa in Xisbiyada dib loogu noqdo. Waxaan qabaa dimuqraadiyada aynu doonayno inay wax baddani ka hadhay. Rag iyo dumarba aynu u midowno sidii qarankeenan u horumari lahaa. Waxaanan kula talin lahaa beesha uu ka soo jeedo murrashaxani (Dhul-bahante), inay hawl adagi u hadhay inay u taalo inay Somaliland hormuud ka noqdaan”.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo halkaasi hadlay ayaa waxa uu yidhi “114-ka qof ee Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, ee u codeeyey murrashaxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga KULMIYE Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye). Waxa hubaala oo maanta aan shaki ku jirin in Xisbiga KULMIYE shirkiisi uu galay, la filayay inay tartamayaasha qaarkood soo baxaan, qaarkoodna ay soo bixi-waayaan, laakin waxaan ku kalsoonahay 114-ka halkaas fadhiya ee Xaglotoosiye u codeeyey ay yihiin Kooxo cusub oo ay fikir iyo mabda’ ay mideeyaan, waxa mideeya rayi iyo mabda’a, dhismaha KULMIYE ayaa mideeya, dhismaha Somaliland ayaa mideeyaa. Waayo dadka halkaan fadhiya waxa ugu yar Xaglotoosiye reerkooda”.

“Waxa imika inoo taala inaynu KULMIYE dhisno, oo KULMIYE ayaynu ki mideysanahay, Xaglotoosiye-na wuu inoo da’ayar yahay, oo maaha qof aynu maanta u werwereyno, sanado baddan oo kale ayaynu soo sharixi karnaa, , malaha Imika Madaxweyne Kuxigeenka-ba wuu ka dalacayoo Madaxweyne ayuu I su soo sharixi doonaa”. Ayuu yidhi Cukuse.

“Waan u codeynayaa haddii uu Madaxweyne isu soo sharxo Xaglotoosiye, haddii aanu Siillaanyo la tartamayn,” ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan ku faraxsanay inaan ka mid noqdo Xubnaha Golaha Wasiirada qeybta u coddeysay Xaglotoosiye. Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Dastuurka Somaliland waa loo wada siman yahay, ma jirto Galbeed iyo Bari ayaa wax leh, ma jirto Beesha Dhexe ayaa Madaxwynaha iska leh, waan ku hambalyaynayaa inuu Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed inuu u tartamo halka dalka ugu sareysa ee ah Madaxweyne Kuxigeenka, Macnaheeduna maaha reer Awdal ayuu ku qabsaday, maaha ee qaranka ayaa leh waana loo tartamayaa. Sababta aan ugu codeeyey waxay ahayd inay reer Awdal doorkan banaanka joogaan. ”

“Annaga culeyskii wuu naga dhacay oo codkii waanu ku siinay, oo adiga ayuu culeyskii ku yaala oo waxaas oo dada loo baahan yahay inaad haysato, KULMIYE ha guuleysto, oo midnimadu ha guuleysato,” Ayuu yidhi Maxamed Jaamac Abgaal.

La-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca arrimaha Haweenka Amaal Xaaji Miisaan oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi “114-kii xubnood ee u codeeyey Murashaxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga KULMIYE Dr. Saleebaan Ciise Axmed oo ay reer Awdal u bixiyeen dal-toosiye, waxaan idinku salaamayaa 114-ka suuradood ee quraanka Kariimka ah. Taa macnaheedu waxa uu ka dhigan yahay codadka ay keenay ayaa waxay u dhignaayeen 114-ka Suuradood ee quraanku ka kooban yahay. Xaglatoosiyoow kumaad darandooriyin halkii lagu soo gaadhsiiyay halkaasna waad ka sii socon kartaa. Waxaan aad ugu faraxsanay ag-joogsiga aan ag joogsaday Xaglotoosiye, weligayna waan ag-joogayaa ilaa inta uu himiladiisa ka gaadhayo. Waxay Xafladani ka turjumaysa inuu Xaglotoosiye yahay nin abaalka celiya. Dad baddan oo la xambaarsana ayaa jiray abaalkoodiina helay, kuwaana waxaan leeyahay dariiqa xaqa ILAAHAY ha idin tuso”.

Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTECO) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan u mahad-celinayaa 114-ka qof ee codka siisay Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye). Waxa uu dhigay guul taariikhiya, murashixiintii guuleysatayna, waan hambalyeynayaa, sidaas waan kula shaqeynaynaa.”

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “114-kiina codka I siiyay weligay ilaabi-maayo oo waan xasuusnaan doonaa inta aan noolahay, hawl baddan ayaa inoo taala, sidii aan u haneeyey ayay iga haneysan tahay, inaan Madaxweynaha Somaliland la shaqeeyo oo aan dalka iyo dad-ba u shaqeeyo ayuunbaan imika ku jiraa. Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo aan Wasiir ka ahay waxa u mudnaan doontaa midnimada Somaliland, oo aan weliba jecelahay inay 114-kii xubnood inay igala shaqeeyaan ilaa inta ay Somaliland midnimadeedu noqonayso 100%, . Gobolada Bariga waxa la yidhaahdaa cod laga heli-maayo, waa inaynu taa beenaynaa oo aynu ka shaqeynaa diiwaangelinta, inaynu dadkeena diwaangelinaa waxay keenaysa aqoonsi. Xisbiga KULMIYE waxa asaasay Madaxweynaha Somaliland oo wakhti baddana geliyay oo guulihiisa ayay ka mid tahay, waxa wanaagsan waxkasta oo burbur u keenaya Xisbiga KULMIYE.”

“Aad iyo aad ayaan idinka mahad-celinayaa sidii sharafta lahayd ee aad iigu hiiliseen, waxaan idin bixiyey “Xubnaha midnimada golaha dhexe ee KULMIYE, ”. Gabadhuhu ragga way ka midnimo jecel yihiin. Balanteenu waa midnimo, iyo horumar,” ayuu yidhi Xaglotoosiye.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.