WorldRemitAds

Berbera, Somaliland, June 30, 2018 (Saxafi) – Laba qof ayaa saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay ugu dhimatay weerar Abeeso ama qaniinyada abeesada tuulada Xagal oo 95 km bariga kaga beegan magaalada Berbera.

12 qof oo kale ayaa u jiifa dhaawac ka soo gaadhay qaniinyada, kuwaas oo toddoba ka mid ah xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo magaalada Berbera. Xagal oo aan lahayn xarumo caafimaad ayaa keentay inaanay helin dawo si xaaladooda wax looga qabto.

SomlegalAds

Labada qof ee u dhimatay qaniinayda Abeesada waxaa kamid ahayd gabadh labo jir ah oo 14-kii bishan xilli habeenimo ah ay abaasadu ugu gashay aqal Soomaali iyadoo la huruday waalidkeed, sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyay Jaamac Cali Nuur oo ah aabaha dhalay gabadha. Wuxuu tilmaamay in gabadhiisu ay hal mar qaylisay, markuu toosh ku ifiyayna uu arkay Abeeso cudada midig ka haysata gabadhiisa, kaddibna uu sidaas ku dilay. Jaamac ayaa intaas ku daray in aroornimadii xigtay ay gabadhiisu u dhimatay suntii abeesada.

Gabadhiisa ayuu sheegay in saacadihii ay xanuunsanaysay ay siiyeen badhi idaad, laakiin aanay waxba ka tarin xaaladda gabadha oo marba marka ka dambaysa sii xumaanaysay. Deegaanku isbitaal ma leh, waxaase ku yaalla xarun lagu xanaaneeyo hooyada iyo dhallaanka, taas oo bixisa adeegyada tallaalka iyo bukaan eegtada.

Wuxuu sheegay in Abeesadu ay soo baxdo xilliga xagaaga ah ee dhulkuna kulul yahay. Tuulada Xagal oo dhacda dhulka gubanka loo yaqaan ee xeebta usii foorara, ayaa waqtigan lagu arkay abeeso tiro badan oo waxyeelo u gaysanaysa dadka deegaanka.

Jaamac oo xoolo-dhaqato ah ayaa qoyskiisu ka kooban yahay sagaal qof oo kan ugu wayn uu jiro 14 sano, gabadha ay abeesadu cuntayna ay ugu yarayd. Baadiyaha tuulada Xagal ayuu ku dhaqdaa 40 neef oo adhi ah, kuwaas oo uga soo hadhay 200 oo neef oo uu abaarta kahor haystay.

Wadada loo maro magaalada Berbera ayaa ah mid ay ku adag baabuurta maadaama ay buuro iyo bacaad. Gaariga ayaa u socda siddeed saacadood iyo wax ka badan.

Saleebaan Maxamed Dubad oo ah madaxa xarunta caafimaad ee toddobada qof la geeyey, ayaa Ergo u sheegay in bukaannada u yimaada yihiin kuwa tuulada degan, laakiin dadka ay miyiga ku cunto abeesadu aanay u iman, maadaama reer miyugu aanay aaminsanayn in qaniinyada abeesadu dawo wax lagaga qaban karo. MCH-ka ayaa ka kooban saddex qol oo laba ka mid ah bukaannada la jiifyo halka kan kalena uu yahay xafiis.

Wuxuu intaas ku daray in reer miyugu ay geed hoostiis ku hayaan qofka ay abeesadu qaniinto, iyaga oo aaminsan inaan la qaadin si aanu u ruxmin, taas oo ah caado-dhaqameed ay sanado badan kula tacaalayeen dadka ay abeesadu qaniinto.

Dr. Faysal Faarax oo ka mid ah dhakhaatiirta ka howl gasha isbitaalka guud ee magaalada Berbera ayaa dhankiisa Ergo u sheegay inaanay hayn dawadii loogu talo galay qaniinyada abeesada. Wuxuu intaas ku daray inaanay dawadaasi oolin Somaliland, laakiin ay bukaannada kula tacaalaan dawooyin qallajiyayaal ah iyo faleembooyin ay ku xidhaan, kuwaas oo aan wax badan ka qaban xaaladda caafimaad ee bukaanka.

Deegaanka Xagal waxaa saamaysay abaartii dalka soo martay, iyadii dadkii deeganaana ay badankoodu u guureen dhulka bannaanka ah gaar ahaan Saraar oo u dhexaysa Burco iyo Ceergaabo. Roobabkii Guga ee sannadkan oo deegaanka ka da’ay ayaa horseeday in xoolo-dhaqatadii ay dib ugu soo laabteen deegaanka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.