WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, November 30, 2015 (Saxafi) – Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa ka hadlay faraqa u dhexeeya khilaafkii wakhtigoodda soo dhexmaray gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo gudoomiye Cirro, iyo khilaafka hadda soo kala dhexgalay Jamaal iyo Faysal.

Afhayeenka Xisbiga WADANI Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa sheegay in khilaafkani ku salaysan yahay heshiis la kala qortay, isagoo khilaafkan iyo khilaafyadii iyaga soo dhexmaray ka hadlaya waxa uu yidhi “Aad iyo aad bay u kala xoog roon yihiin oo kani heshiisyo gaar ah buu ku salaysan yahay, kaas horena wuxuu ahaa khilaaf xisbiga gudihiisa uun ka dhashay laakiin, kani heshiisyo la wada galay ayuu salka ku hayaa oo musharax madaxweyne ayuu dabada ku hayaa waxaanse leeyahay wixii heshiiska lagu ahaa ha lagu dhamAfhayeenka WADANImeeyo khilaafka. ”
Mar kale isagoo ka hadlaya khilaaf la sheegay in isaga iyo gudoomiye Cirro soo kala dhexgalay ayaa yidhi “Aad iyo aad baan uga xumahay warkaasi, saxaafaddana Anshaxa iyo dhaqanka inay ilaaliso ayaa muhiim ah. Faallo tifaftiraha website-kaasi sameeyay oo aan sal iyo raad lahayne uu caqligiisa ka keenay oo uu buunbuuniyay oo been caddaana ah ayuu ku soo daabacay. ” Ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga WADDANI oo la hadlay ROYAL TV.
Afhayeenka xisbiga WADANI Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa muddadan dambe aan lagu arag isagoo difaacaya xisbiga wadani, isla markaana mudooyinkan dambe ka gaabsaday arrimaha xisbiga, taas oo dadka qaar u qaateen inuu jiro khilaaf isaga iyo gudoomiye Cirro u dhexeeya taas waxa wax ka qoray baraha internetka.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.