WorldRemitAds
Waraabaa Laga Sheegay – Boorama, Somaliland, November 30, 2015 (Saxafi) – Xubno isugu jira oday dhaqameedyo iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha deegaanka Boorama ayaa daafacay is casilaadda aqoonyahan Cabdirashiid Xassan Mataan kaga tagay Xisbiga UCID oo uu ka ahaa musharraxa Mansabka Madaxweyne ku xigeenka.

Odayaashan ayaa jawaab ka bixinayay hadallo ka soo yeedhay Guddoomiye Faysal oo uu ku sheegay in Aqoonyahan Cabdirashiid si fudud ugu yimi, si fududna uga baxay.
“Waraabaa Laga Sheegay Haday Hooyaday Ladnaatana Waan Nuugi, Haday Dhimatana Waan Cuni, Immika Faysal…”OdaySida uu ku soo waramay wariyaha Saxafi ee goboladda galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, Shir Jaraa’id oo ay odayaashani ku qabteen Boorama ayaa ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay Suldaan Faarax Muxumed Nuur oo yidhi, ”Cabdirashiid xisbigaas oo dhulka yaalla ayuu soo saaray, haddii aanu aad ugu ololeynna halkaa ma joogeen, haddii uu markii xisbigu is qabsaday ka baxay waan taageereynaa imikana reerku halkuu galo ayay ka muuqan doontaa, hadalkaas Faysalna waa gef ”
Oday Xareed ayaa isna yidhi “Waa ku taageersannahay xisbiga inuu ka soo baxo markuu waayay himiladii uu ka lahaa, ta kale Cabdirashiid nin fudud ma ahayn, isaga iyo Jamaal waxay xisbiga ka soo saaren God halka uu maanta beesha u horkacana waan raacaynaa”
Xasan Barkhad ayaa isna ku dooday, ”Waxaan reer Somaliland ka raalli gelinaynaa hadalka Faysal ka sheegay Cabdirashiid Xasan Mataan. Hortii ayaan diidnay xisbigaasi beeshuna way daba taagan-tahay Somalilandna wuu ka haystaa taageero”.
Nin kale oo ka mid ah ragii halkaa ka hadlay ayaa isna yidhi ”Waraabaa lagu yidhi hooyadaa ayaa xanuunsanaysa, wuxuu ku jawaabay Waraabihii haddii hooyaday ladnaatana waan nuugi, hadday dhimata waan cuni, sidaa darteed Faysal wuxuu marayaa inuu yidhaa xisbiga waan iibin oo waan cuni ama waan haysan”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.