Ciidamada Iran – Garowe, Somalia, November 30, 2015 (Saxafi) – Ciidamada Badda dalka Iran ayaa weerar ku qaadey koox budhcad badeed ah oo doon Kaluumeysi kaga haysatey deegaanka Ceel Huur.
Doontaan oo magaceeda la odhan jirey FV Maxamad ayaa waxaa saarnaa 15 Kaluumeysato ah kuwasoo budhcad badeed afduubtey la tagtay deegaanka Ceel Huur oo hoos taga maamulka Galmudug.
Dad deegaanka ah ayaa sheegey in doontan ay soo weerareen diyaaradaha qumaatiga u kacaa, kuwasoo ay u suurtagshey iney budhcad ka furtaan doontaas.

Weerarkaas ayaa la rumeysan yahay iney ka dambeeyeen ciidamada Badda Iran oo ku sugan biyaha badda Cas.
Doonyaha dalka Iran oo kaluumeysi sharci daro ah ka sameeya xeebaha Somalia ayaa weerarkani noqonayaa kii ugu horeeyey ee dalka Iran ku soo furto dad maxaabiis ah oo ay budhcad badeed ka qabsatay.
Dalka Iran ayaa waxaa ka jooga Biyaha Badda Cas maraakiib dagaal kuwasoo isha ku haya dagaalka ka socda dalka Yamen.