Faallo: Maxamed Cumar (Borama)
Sida la og-yahay xaaladda siyaasadda ee Somaliland ayaa maanta meel adag maraysa, islamarkaana aan la ogeyn meel ay ku dhamaan doonto, balse sidii caadada ahayd iskaga dhamaan doonta waan waan iyo wada-hadal.
Sidoo kale, ayaa maalin kasta waxa dadweynaha iyo xisbiyada kala duwan ka soo baxaya dhaqanno siyaasadeed oo midba midka kale ka sii fool xun-yahay ama ka sii qurux badan yahay waxayna arrimahani shidayaan kuleylka siyaasadeed ee dalka ka jira, waxaana loo baahanyahay in la qaboojiyo, dhaqanada cusub oo ay inta badan aabe u yihiin shacbiga iyo siyaasiyiinta kala taageertay xisbiyada qaranka, ayaad mooddaa inay badankoodu saamayn ku yeesheen warbaahinta dalka, tan caalamiga ah iyo warbaahinta bulshadaba, kuwaasoo aad mooddo inay la kala safan-yihiin aqalada laga maamulo xisbiyada waa weyn iyo taageerayaashooda. Dhaqankaasoo aan ahayn badi mid lagu yaqaannay saxaafadda dalka, iyadoo dhinaca kalena hogaamiyayaasha siyaasaddu aanay taageerayaashooda u sheegin xadka lagu muujiyo nacaybka iyo jacaylka xisbiyadooda.
Habdhaqanka siyaasadeed ee dawladda iyo xisbiyada qaranka ama kuwa mucaaradka ah lagu taageerayo ama lagaga soo horjeedo ayaa gaadhay heer aan weli soo marin saaxadaha siyaasadeed ee dalka soo maray laga soo bilaabo 1993-kii, wakhtigaas oo ahaa dhammaadka fawdo siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye oo dalka ka dhaca, balse u eg in jidkii la soo xidhay berigaasi haatan dib loo furayo.
Haddaan u soo noqonno mawduuceenna ku saabsan gubista ama waxyeeleynta astaamaha xisbiyada siyaasadda ee dalka kana dhacday Magaalada Gebilay ayaa uun loo qaadan karaa inay bilow u tahay dhaqan-xumo siyaasadeed oo keeni karta wax ka sii fool-xun tan maanta la hadal hayo cid ka macaashi doonta iyo cid lagu wax yeeleyn doonaana aan la garanaynin.
Sida laga baahiyey HCTV, waxa shaashadiisa laga arkayey dhallinyaro aan wejiyadooda si fiican loo arkaynin oo gubaysa ama kabaha ku tirtiraysa calanka xisbul xaakimka Kulmiye, iyadoo afar sano ku dhawaad ka hor astaanta xisbigaasi reer Gebilay u ahaa shaadhadh, surwaallo iyo go’yaal ay ka huwadaan ama ka gashanayeen dhaxanta kaga imanaysay xisbul xaakimkii hore ee UDUB, aakhirataankiina codkooda ku siiyeen, dhacdada maanta isla magaaladaasi lagu gubay astaantiisuna ka mid tahay uun guurguurka iyo mabda’ la’aanta siyaasadeed ee muwaadiniinta dalka iyo taageerayaasha xisbiyada.
Gubista calanka Kulmiye macno ma leh marka la eego maradda ama shayga lagu sameeyay astaanta, waxase macno yeelan kara astaantiisa, lana aamini karo in waxa la gubay yahay shacbigii, taageerayaashii iyo masuulyiinta xisbul xaakimkaasi oo ay dawladdu ku jirto. Waxa dab la sudhay Guddoomiye Muuse Biixi iyo dawladii ka dhalatay xisbigiisa, waxa dab la sudhay wax kalena loogu daray qayb ka mid ah dadweynaha dalka, beelo, siyaasiyiin iyo gobollo taageera xisbigaasi, waxana weji kale loo yeelay ololayaasha siyaasadda ee dalka ka dhici jiray, iyadoo ay dhici doonto in wax gubis iyo wax ka xun lagu sameeyo astaamaha xisbiyada qaranka, madaxdooda iyo taageerayaashooda, aargoosina looga dhigo waxa Gebilay ka soo gaadhay xisbul xaaximka. Waxa laga yaabaa in la gubo astaamaha xisbiyo kale iyo xarumo kaleba .
Waxa ka dhalan karta ama ka dhalatay cadho fara badan oo khatar gelin karta in doorashooyin dalka si nabadgelyo ah uga dhacaan. Xadhigga nin weriye ah loo xidhay arrinkaasina kuma filla qaboojinta dhacdadan, waxase ku filan helitaanka maskaxda khariban ee ka dambaysay qorshahan ay xitaa baahintiisa ku ceeboobi karaan masuuliyiinta HCTV, loona baahnaa inaanay ka ganacsan ama aanay baahinin wixii dhibaato u keenaya midnimada shacbiga, Dimuqraadiyadda, tartanka xisbiyada qaranka iyo amniga guudba.