WorldRemitAds

Bishan 20ka November 2016, kulan ay isugu yimaaddeen Ururada Bulshada Rayidka ah oo ka qabsoomay Xafiiska SONSAF ee Hargeya ayaa waxa lagu lafo-guray xaaladda abaareed ee ka taagan Gobolada Bariga Somaliland.

Ururadu waxay isla wadaageen warbixinno la xidhiidha xaaladda dhabta ah ee abaarta iyo halka uu marayo dedaalada lagula tacaalayo abaarta ee ka socda Somaliland. Waxa kale oo ururada Bulshada Rayidka ahi aqoonsan yihiin baaxada iyo khasaaraha abaarta sida uu sheegay Madaxweynaha Somaliland Bishan 9th November.

Haddaba Ururada Bulshadu rayidka ahi waxay ku baaqayaan in laga jawaabo oo lala gaadho dadka ay saamaysay abaartu cunto, biyo, caafimaad, fayo-dhawr iyo hoy ay degaan gaar ahaan kuwa soo barakacay.

SomlegalAds

Waxa kale oo xaaladda uga sii daray, roobkii Dayrta oo aan di’in kaas oo sii yareeyay biyihii, iyo daaqii. Markii dambena sababay in dad badan ay soo food saarto cunno iyo biyo yaraan isla markaana xoolo badan u dhintaan oon iyo baad la’aan. Waxa kale oo saamaynteeda lahayd abaartii February iyo March ka dhacday sanadakan Gobolada Galbeedka oo iyaduna riiq ka tagtey.

Inkastoo aanay abaartii February iyo March helin caawimo caalami ah, dadaalada hadda socdaana ay yihiin kuwo dadka guduhu is abaabuleen oo iyagu iska ururiyeen wixii ay ugu gurman lahaayeen dadkooda dhibaataysan ee abaartu samamaysay. Waxaana ka qayb qaatay dawladda, ganacsatada, qurbo-joogta, asxaabta siyaasadda iyo dhamaan shacabka Somaliland.

Waxa hubaal ah in gurmadka dadka reer Somaliland ay fidinayaan aanay ku filneyn xaaladda hadda taagan, hasayeeshee waxa muhiim ah in la sii booriyo dadka ku hawlan gurmadka iyo caawimaadda ee socota hadda si ay wax la taaban karo ugu tarto gurmadka abaarta, sidaa oo ay tahay waxa lama huraan ah in la helo gurmad caalami ah si loo gaadho dad badan oo ay saameysey abaartu oo ku kala filiqsan gobollada bariga oo baxaad ahaan aad u kala fog fog.

Ururada Bulshadu rayidka ahi waxay baaq u dirayaan hay’adaha Qaramada Midoobay iyo bulshada caalamku in ay gurmad degdeg ah la soo gaadhaan dadka ay saamaysay abaartu ee reer Somaliland. Isla markaana dib u dhac kasta oo ku yimaadda gurmadkana uu sababi karo in dhibaatadu ka sii darto.

Ururada Bulshada Rayidka ahi waxay soo jeedinayaan in la mideeyo isku xidhka gurmadka abaaraha si looga faa’iideeyo wixii caawimo ah  ee la gaadhsiinayo dadka abaaruhu saameeyeen.

Ugu dambayn, waxa Ururada Bulshada Rayidka ahi u soo jeedinayaan Dawladda Somaliland in ay samayso qorshe lagu tacaalayo abaarta soo noqnoqota, iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa masiibo dabiici ah oo ina soo food-saarta iyadoo tirada lagu darsanayo waxyeelada ay keenaan dhibaatooyinka deegaan iyo isbeddalka cimilada dunidu. Sidoo kalena la tayeeyo haayadaha ku hawlan ka hortaga masiibooyinka dhici kara.

Dalladda Uruada Bulshada Rayidka ah Somaliland  Ee SONSAF

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.