WorldRemitAds

Guddoomiyaha gobolka caasimadda Dalka Indonesia ee Jakarta ayaa si ku meel gaadh ah, xilka ugu wareejiyay ku xigeenkiisi, ka dib markii dacwad ka dhan ah lagu soo oogay, laamaha cadaalada ee dalkaasina ay ogolaadeen in maxkamad la soo taago.

Guddoomiyaha gobolka caasimadda Indonesia ee Jakarta oo lagu magacaabo, Basuki Tjahaja Purnama, ayaa ah nin Masixiixiya oo aaminsan diinta Kiristaanka, waxaanu ka mid yahay qoomiyadaha tiradda yar ee dalka Indonesia.

Ninkan ayaa si rasmi ah u noqday badhasaabka gobolka Jakarta sanadkii 2014-kii, waxaana si rasmi ah u dacweeyay golaha Muslimiinta dalka Indonesia, kuwaas oo ku eedeyay inuu meel kaga dhacay dhawrsanaanta Kitaabka Alle ee Quraanka Kariimka, kuna dheel dheelay.

SomlegalAds

Basuki Tjahaja ayaa loo haysta Aayado Quraanka kariimka ah oo uu fagaare ka akhriyay dhawr bilood ka hor, xiligaas oo uu olole ugu jiray sidii loo xoojin lahaa isku xidhka qoomiyadaha kala duwan ee dalka Indonesia ku wada dhaqan.

Sdia ka muuqata muuqaalkii warbaahintu ka baahisay, waxa uu Badhasaabkani xafladaa ka akhriyay, dhawr Aayadood, waxaanu sheegay in culimada Muslimiintu siyaabo kala duwan ay u fasiraan Aayadaha Quraanka Kariim, laakiin wax khalad ah aanu Quraanku lahayn.

Muslimiinta dalka Indonesia oo boqolkiiba sagaashan ka ah dadka ku dhaqan dalkaas, ayaa ka cadhooday, meel ka dhac ay sheegeen inuu kula kacay Quraanka Kariimka, waxaanay sheegeen inuu ku jees jeesayay, xad gudub diimeedna uu galay.

Dacwad si mug leh ay u soo diyaariyeen oo ka dhan ah ninkaasna waxay hor dhigeen maxkamada dastruuriga ah ee dalka Indonesia taas oo ka ogolaatay, si degdeg ahna amar ugu bixisay in masuulkaas maxkamad la soo taago, laguna oodo dacwadan ka dhanka ah.

Badhasaabkan ayaa markii warqada samanka ah ee maxkamadu soo gaadhay, la tashi la sameeyay xisbigiisa, oo markii ay dhinacyo badan ka eegeen, ku amray inuu xilka si ku meel gaadh ah u wareejiyo, maxkamadana hor tago, oo iska difaaco eedaha loo haysto ee dacwadiisa.

Markii warka maxkamadaynta Guddoomiyaha gobolka Jakarta soo baxday ee laga war helay, ayay kumanaan qof oo ka cadhaysani dibad baxyo ka dhigeen magaalada caasimadda dalkaas ee Jakarta, waxaanay dadkan oo Muslimiin iyo Masixiiyiinba isugu jiray siteen halku dhegyo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan kala faquuqista shacabka Indonesia iyo xoog sheegashada diiniga ah ee golaha muslimiintu ku kacay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.