WorldRemitAds

Burco, Somaliland December 20, 2016 (Saxafi/BBC Somali) – Badhasaabka gobolka Togdheer ayaa sheegay inay ku jiraan gurmadkii loogu jiray xoolaha, isla markaana deegaankaasi ku kulmeen madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar oo isna dadkii abaaruhu ku dhufteen Raashin iyo caawimo u wadda.

Gudomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Saleeban Ramaax oo waraysi siiyey Idaacadda laanta Af soomaaliga ah ee BBC-da ayaa sheegay in safarkaasi uu ku wehelinayey madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida oo si wada jir ah ay u soo kormeereen tuulooyin hoos yimaadda gobolka Togdheer oo ay ka mid yihiin Qabri hulul, Coodanle, Qorilugud, Dhagaxdheer, Biyo-xidho, Duruqsi, Waraabeeye iyo kuwa kale ay dhamaantood sameeyeen abaaruhu.

Badhasaabku waxa uu sheegay in deegaanka ay xuduudda wadaagaan Itoobiya oo iyana dad badan oo ka soo qaxay dhanka Itoobiya joogaan uu madaxweynaha kilika shanaad caawimo raashin iyo dawoon xoolaha ah ka waday, sidaas darteed uu markii dambe dhinaca xooluhu iskugu yimaadeen hawlahaasi ka bilaabeen oo uu soo gaadhsiiyey deeq raashin ah oo ay u qaybiyeen.

SomlegalAds

Badhasaab Ramaax oo arrintaasi abaaraha iyo safarkaasi ay wada galeen Madaxweynaha Kilika shanaad waxa uu yidhi “Deegaano aad uu tiro badan oo gobolka Togdheer ah ayaan soo mariyey iyo Buuhoodle oo runtii dhibaatooyinka abaaraha aad iyo aad u taabteen, waxaana soo marnay deegaano aan la soo koobi karin. Hadda xoolihii dadka badankiisa waxa ay taagan yihiin degmada Duruqsi, waxa ugu imanaysa 2,000 kun oo xoolo oo ceel ka wada cabayaa ayaad ugu imanaysa, anagu halkaasi nagumay cusbayn oo maalmahan gurmadku waanu wadnay.”

Ramaax oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “waxaanu keenay laba mishiin oo mishiinadii marka ay 24 saacadood ay shaqeeyaan dee waxa weeyaan iyo booyadihii biyaha dhaminayey, mishiinkii bay culays badan ku tahay. Sidaa darteed, waxa aanu gaynay laba mishiin meel la yidhaado shululuc iyo ceelka Coodanleh labada mishiin waanu dayney. Waxana rajeynayna ceelasha kale in dhakhso kicino, waxana wadna biyo dhaamis maalintii illa iyo 150 baabuur ku baxaan jiidahaasi oo bal dadka biyo lala gaadho inta biyo cabi karayaan haday noqoto xoolo haday noqoto iyo dadba. Waxa kale oo iyaguna maanta runtii uga mahadnaqaya madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo aanu ku kulanay degmada Coondanle oo isaguna gurmadka ka soo qayb galay maadamaa jiidaasi dhibaatadii ugu badani soo gaadhay, oo labada dal u dhaxayso oo dhankooda iyaguna raashiino ka qaybinayeen aad iyo aad baan uga mahanaqaya imikana ay buuhoodle usii gudbeen.”

Ugu dambayntii, gudomiyaha gobolka Togdheer ayaa sheegay in ay dhakhaatiirta xoolaha kormeerka la socdeen, islamarkana daweynayeen xoolaha buka iyo baadhitaan caafimaad ku sameynayeen dhamaan xoolaha, waxana hadalkiisu u dhigna sidan “Walaahi marka abaarahan oo kale ay dhacaan anigo jecel in aan baaq u diro dadwaynaha in dadka deegaankooda ku nagaadaan ayaa ka khayr badan guuritaanka faraha badan leh, waayo dadkii ka soo hayamaay gobolka Sanaag iyo Xaysiimo ee soo galay jiidaha xoolo way ka tageen kuwa ugu darani runtii waa kuwaas. Marka waxa weeyaan tuulooyinkii iyo dadkii waxa ay rabaan in ay ku noqdan deeganadoodii ay garanayeen biyahoodi, marka waxa weeyaan wixii aanu ku takuuleno raashin lagu siiyo gogol lagu siiyo iyo waxa ay huwadaan dhaxanta ka huwadaan lagu siiyo ayaanu ku jirna.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.