WorldRemitAds

Berbera, Somaliland, July 12, 2018 (Saxafi) – Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayadda Somaliland Muuse Xaaji Yuusuf ayaa ka hadlay Daqiiq xumaatay oo ay ku qabteen Dekedda Magaaladda Berbera.
Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayadda Somaliland waxaa uu xusay in Daqiiqdaasi dib loogu raray Markabkii siday isla markaana uu dib ugu celiyay halkii uu marka hore ka keenay. “Way jirtay daqiiqdaasi xafiiskayaga Dhawrista Tayadda ee Magaalada Berbera, waxaanay soo istaagay daqiiq aad u xumaatay, taas oo aan munaasib ahayn in lagu sii daayo, wadanka waxaanan warqad u qornay markabkii iyo shirkadii daqiiqdaas keentayba.
Waxaanan siinay laba talo midkood, in ay daqiiqda nagu soo wareejiyaan oo aanu gubno ama in uu daqiiqda Markabkii siday dib ula noqdo oo aanay wadanka soo gelin.”

Ugu dambeyntii waxa uu Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayadda Somaliland, Muuse Xaaji Yuusuf uu sheegay in go’aankii ay qaateen Markabka sidday iyo Shirkaddii lahayd daqiiqdaasiba uu noqday inay dalka dib uga celiyaan, waxaanu yidhi: “Markaa waxa ay qaateen go’aankii ahaa in uu markabku Daqiiqda la noqdo, manay soo gelin Daqiiqdaasi dalka” ayuu yidhi.”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.