WorldRemitAds

Berbera, Somaliland, November 21, 2016 (Saxafi) – Dekedda magaaladda Berbera ayaa waxa ku soo xidhan tahay doon siday dad ka soo qaxay dalka yemen, waxaana la sheegay inay siday dad iskugu jira Yemeni iyo Somali.

Doontan ku soo xidhantay dekada Berbera ayaa ka soo barakacay dagaaladda culus ee ka socda Yemen, iyaddoo maamulka degmaddda iyo Gobolka Saaxil ay soo dhoweeyeen.

img_4654Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay isagoo jooga magaaladda Berbera ayaa noo xaqiijiyey doontaasi oo ka soo shiraacatay wadanka Yemen inay soo gaadhay shalay. badhasaabku wuxuu sheegay inay soo dhoweeyeen, hase-yeeshee nooma xaqiijin tiradda inta qof ee saarnaa doontaas. “Way jirtaa doontaasi ku soo xidhan tahay dekadda Berbera, waxaana la socday ssoomaali iyo Yemeniyiin”ayuu ku soo koobay badhasaabka Gobolka Saaxil  Jaamac Yuusuf Axmed oo khadka telefoonka noogu waramayey.

SomlegalAds

Marka la eego illaa bilowgii sanadkii hore, kumanaan qaxooti ah oo ka soo qaxay dagaallada culus ee u dhexeeya dagaalyahanadda xuutiyiinta ee Yemen iyo dawladdaha Sucuudiga iyo Maraykanka oo taageeraya madaxweynaha dalkaas ee qaxootiga qudhiisu ku maqan Abd Rabbuh Mansour Hadi ayaa ku soo qulqulayay Somaliland. xog bilihii aynu soo dhaafnay laga xigtay  qaramadda midoobay waaxda ku qaabilsan qaxootiga ee unhcr ayaa lagu sheegay in geeska Afrika ay soo gaadheen dad aan ka yarayn 100,000 oo ruux inta la ogyahay, kuwaasoo waqtigaas oo ahayd bishii todobaad ee sanadka marka la eego ilaa 10,000 oo ka mid ahi soo gaadheen Somaliland inta la diiwaan geliyay. waanay kordhayeen hadba oo kolba koox cusub ayaa soo gaadhaysay Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.