Warbixin – Maxamed Cumar, Weriyaha Saxafi ee Boorama
Dadweynaha Boorama ayaa ku kala aragti duwan marxaladda siyaasadeed ee dalka Somaliland galay, iyadoo qaybo ka mid ah dadweynuhu walaac ka muujiyeen waxyaalaha ka socda Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo iyo Xisbul-xaakimka Kulmiye.
Inkastoo badi siyaasiyiintii magaalada Boorama ama gobolka Awdalba ku sugan yihiin caasimadda Somaliland ee Hargeysa, hadday yihiin mucaarad iyo hadday yihiin muxaafidba, haddana dadka caadiga ah ee la socda warbaahinta gudaha iyo debeddaba ayaa ka dhakafaarsan waxa ka socda caasimaddii dalka ee Hargeysa, halkaas oo weli ay ka socdaan iscasilaadaha, magacaabista, hanjabaadaha iyo eedeymaha ka soo baxaya siyaasiyiintii ugu miisaanka weyneyd dalka, oo haatan dagaal siyaasadeed isku horfadhiya inta aan la gaadhin shirweynaha xisbul-xaakimka ee loo ballansan yahay bisha dambe ee November 10keeda.
Arrimaha ku cusub dadweynaha magaalada Boorama ayaa ah sida aanay weli u maqlin tiro wasiirro ah oo intaas le’eg oo mar keliya ka taga Xukuumaddii ay ka tirsanaayeen, iyagoo sidoo kalena dadkani aanay hore u maqal cadaawad intaa le’eg oo rag iyo haween siyaasiyiin ah kula jeestaan dawladdii ay ka tirsanaayeen iyo xisbigii ay kuraasta ku heleenba, waxayna la yaabban yihiin oo kale sida ay meesha uga baxeen wasiirro loo haystay in xukunka dalku gacanta ugu jiro marka laga reebo Madaxweyne Siillaanyo. Badi dadka taabacsan xisbiga KULMIYE ee ku sugan Boorama ayaan weli jawaab ka bixin kara su’aalo la xidhiidha halka uu ku dambayn doono xisbigoodu, su’aalahaasi oo ay ku durayaan dadweynaha taabacsan xisbiyada mucaaradka, siiba xisbiga Waddani, oo badankoodu aaminsan yihiin in KULMIYE marayo jidkii UDUB, hogaaminta dalkana ay cidla’ka heli doonaan hadii doorashooyinku dalka ka dhacaan.
Si kastaba ha ahaatee dadweynahani waxay tallaabada wasiiradan ka baxay dawladdu ku kaceen u arkaan inqilaab lagu mijo-xaabinayo Xukuumadda maanta, balse aanay ahayn doorasho u dirir.
Taageerayaasha iyo masuuliyiinta Xukuumadda ee Boorama ayaa sidoo kale jawaab ka bixin kari la’ sida lagu badbaadin karayo dawladda ay ka tirsan yihiin iyo xisbigaba. Boorama oo la ogyahay inaanay cod sidaa u badan siinin KULMIYE waagii doorashada, isla markaana ay codkooda siiyeen xisbigii burburray ee UDUB ayaa dhinaca kale qaarkood ku faraxsan yihiin waxa ku dhacaya dawladii KULMIYE, iyaga oo sidoo kalena farxadooda ku ladhaya kaalinta burburka dalka iyo dawladda uga banaan Suldaan Wabar iyo maleeshiyadiisa, kuwaas oo haatan ku kala firdhay weerarkii ciidamada qaranku ku qaadeen saldhigyadoodii, gacantana lagu dhigi gaadhay Wabar.
Dhinaca kale qaybtan ka mid ah dadweynaha Boorama, kuna faraxsan burburka KULMIYE iyo Xukuumadiisa ayaa waxay ka xumaadeen iscasilaadda wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali X. Xasan, iyagoo u arka inuu ahaa wasiirkii furdaamin jiray waxay u arkaan cadaadis kasta oo Xukuumadda ka soo gaadhi jiray shantii sannadood ee u dambaysay, isla markaana qaboojin jiray xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa beelaha gobolka Awdal ee khatarta gelin gaadhay gobolkaas.
Inkastoo dadkan ka calaacalaya iscasilaadda Wasiir Xirsi ay dhinacooda ka dhego adaygeen ama aanay wasiirkaas hore ee Madaxtooyada abaalmarin uga dhigin codsiyo iyo dalabyo fara badan oo uu kaga dalbaday inay dib u soo xero geliyaan Suldaan Wabar, dalkana ka daayaan dibindaabyada, haddana waxaa calaacalkoodan loo qaadan karaa mid aanay daacad ka ahayn balse ay ahayd uun mid ay kaga danaysanayeen oo ay horeba u dhegeysan waayeen talooyin badan oo uu ula yimi.
Ugu dambayntiina qaybahan dadweynaha ee ku faraxsan waxan ay u arkaan burburka Xukuumadda Siillaanyo, ayaan dhinaca kale waxba ka ogeyn dareenka shacbiga dalka, kuwaas oo aan badankooda la soo marsiin karin qarannimada dalka, dawladnimada iyo amniga Somaliland oo la waayo, isla markaana aamnisan in siyaasiyiintu yihiin kuwo iyagu iska tegi doona, balse dalku yahay ka soo hadhi doona.