WorldRemitAds

“Wuu Af-duuban yahay Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE, ama madaxwayne ha u yeedhaan ama cid kale” Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye

Hargeysa, Somaliland, October 29, 2015 (Saxafi) – Laba xubnood oo ka mid ah hoggaanka Xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in shirkii golaha dhexe ee Xisbiga loo waddo qaab af-duub ah, waxaana ay beeniyeen Cadaaladda guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi iyo Madaxweyne Siillaanyo ku cel-celinayaan in lagu maamulayo hawsha.

Hogaanka

Guddoomiye ku xigeenka labaad iyo guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga Xildhibaan Maxamed Yusuf Waabe iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ka sokow hoggaanka xisbiga ka mid ahaa guddi dhawaan Madaxweyne Siilaanyo ku taliyay inay hawsha xisbiga la socdaan ayaa waxaa ay sheegeen in qaabka wax loo wadaa af-duub-tahay ee aanay dimuquraadiyadi meesha ka muuqan. “Arrintu waxay ka socon wayday ragga maanta xaruntii Xisbiga Kulmiye Fadhiya ee leh cadaalad baa jirta, wax ka jiraa ma jirto, taasi gunta anagaa soo xaadhnay, waxbay huurinayaan, waxbay dul fadhiyaan, waxbay qarinayaan”

SomlegalAds

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Yuusuf Waabeeye iyo guddoomiye ku xigeenka 3-aad Xildhibaan Talyanle ee Xisbigaasi ayaa iska daba maray in shirkii golaha dhexe ee KULMIYE la inqilaabay, waxaana ay eedeeyeen guddoomiyaha xisbiga oo ka mida musharaxiinta ku loolamaya Xisbiga oo ay ku doodeen inuu gacan kula jiro hawsha qabanqaabada shirka golaha dhexe ee Xisbigaas.

Xildhibaan Waabeeye waxaa uu xusay in loo diiday in ay kormeeraan qaabka loo diwaangalinayo xubnaha golaha dhexe ee Kulmiye.

Xildhibaan Waabeeye oo arimahan ka hadlaya ayaa yidhi. “Marka shir la qabanayo habka farsamada ah ee loo maamulo ayaa muhiima, waa in qofkii la diiwaan galinayay ee golaha dhexe la hubiyaa, number la siiyaa, la sawiraa, dadka kale ee tartamayaasha ah waa inay arrintaasi si cadaalad ah ugu dhacdaa. Sidii aad ogeydeen waanagii guddi noqonay, ee aniga, guddomiye ku xigeenka Kowaad, Talyanle iyo Xasan Siciid, Cadamina nalagu xoojiyay ee la yidhi Arintaasi Wada. ”

Xildhibaan Waabeeye oo hadalkiisa sii waxaa uu yidhi. “Kulankii u horeeyay waxaanu isla garanay inaanu ajande samayno, waanu samaynay, waxaanu nidhi qolada farsamadu dadka ha diiwaan galiyaan inaguna sidii shirka loo qaban qaabin lahaa aynu galno, maalintii hore waa aanu isla afgaranay, laakiin maalintii dambe waa la diiday oo labada nin ee hogaanka ah markii ay la tashi soo samayeen waxaa ay noo sheegeen in hawsha diiwaangalinta sidaa lagu wadayo markaa halka hawshu taalaa waa diiwaan galinta, diiwaangalintiina waa la iska wataa oo waxaa naloo diiday inaanu kormeerno . ”ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye, waa uu sii wadday waxaana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi. “Taageerayaashayadda waxaanu u sheegaynaa inuu afduuban yahay shirka Golaha dhexe ee KULMIYE, ama madaxwayne ha u yeedhaan ama cid kale, hawshaasi mid cadaalada u socota maaha, anaguna waxaanu diyaar u nahay inay musharaxiintu helaan gole cadaalada, oo si wanaagsan loogu tartamo, laakiin maaha guddoomiyuhu inuu marna noqdo siidhi wale haddana noqdo kii kubada ciyaarayay maaha, ” ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye.

Hadalkan ayaa u muuqda mid muujinaya in khilaafka Xisbiga Kulmiye soo laba kacleeyay oo arrintu ka culus tahay sidda la moodayo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.