WorldRemitAds

Maleeshiyo Puntland Taageerto Oo Shalay Madaarka Buuhoodle Kaga Hor-Istaagtay Cali Khaliif Galaydh Inuu Diyaarad Djibouti Geyn Lahayd Ka Raaco + Cali Khaliif Oo La Filayo Inuu Ka Dhoofo Madaaradda Berbera Iyo Hargeyska Midkood + Wasiir Sacad Cali Shire Oo Djibouti Ku Sugan

Buuhoodle, Somaliland, February 6, 2017 (Saxafi) – Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa xalay saqdii dhexe guuro ku soo galay magaalada Caynabo ee xarunta gobolka Saraar, kadib markii shalay maleeshiyo hubaysani u diiday inuu madaarka Buuhoodle ka raaco diyaarad uu doonayey inuu ugu safro wadanka Djibouti si uu uga qaybgallo wada hadalka u socda Somaliland iyo maamulkiisii Khaatumo.

Sida ay ilo xog-ogaal ahi Saxafi u sheegeen weftiga Cali Khaliif ayaa xalay markii ay Caynaba soo gaadheen aan ku hakan, isla markaana dhinaca Burco loo malaynayaa inay u soo gudbeen, iyadoo la filayo inay dhinaca Hargeysa u soo dhaafaan si ay Madaarka Cigaal ee Caalamiga ah uga raacaan diyaarad geysa dalka Djibouti, hase yeeshee ma jiraan war rasmi ah oo dhinaca weftiga Cali Khaliif Galaydh ka soo baxay oo la xidhiidha halka uu safarkiisu ku aadan yahay.

SomlegalAds

Cali Khaliif Galaydh ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa uu halis ugu jiray maleeshiyo dhinac Puntland laga taageero, kuwaas oo dhawaanna jid-gooyo u gelay wefti uu hoggaaminayey, kuwaas oo rasaas la beegsaday gaadiidkii wefti Prof. Galaydh siday balse aan wax khasaare ahi ka soo gaadhin Cali Khaliif Galaydh.

Maleeshiyaddan ayaa si ba’an uga soo horjeeda wada-hadalada Cali Khaliif Galaydh iyo Xukuumadda Somaliland u dhexeeya, waxaanay geed dheer iyo mid gaabanba u saaran yihiin sidii ay u fashilin lahaayeen, taas oo uu maamul-goboleedka Puntland gacan ku siinayo, kana soo horjeedo in Somaliland iyo dadkeedu is-af-gartaan oo ay heshiiyaan.

Warar kale oo aanu saacadihii dambe ee xalay aanu helnay ayaa sheegaya in weftiga Cali Khaliif Galaydh u qorshaysan tahay inay diyaaradda ka raacaan madaaradda Berbera ama Hargeysa, waxaanay saraakiil aanu la xidhiidhnay oo ka hawl-gala Madaarada Berbera iyo Hargeysaba ay noo sheegeen inay jiraan duulimaad Djibouti tegaya oo maanta subaxnimada ka duulaya labadaas madaarba.

Sida ay Saxafi xog hoose ku heshay laba duulimaad oo Djibouti tegaya, ayaa u qorshaysan shirkadda Afrinat International, kuwaas oo diyaaradaheedu ka kala duuli doonaan Madaarada caalamiga ah ee Berbera iyo Cigaal ee Hargeysa. Sidoo kale waxa Madaarka Hargeysa ka duuli doona 10:00 subaxnimo ee maanta Duulimaad ay leedahay diyaaradda Daallo Airline oo rakaab u qaaday dalka Djibouti. Hase yeeshee war rasmi ah oo shaaca ka qaaday weftiga Cali Khaliif diyaaradda uu Djibouti uga raaci doono haddii uu Hargeysa soo gaadho.

Arrintan ayaa waxay ka dambaysay kadib markii Nin magaciisa la yidhaahdo Cabdifataax Baydan, oo hoggaaminayey maleeshiyada shalay is-hortaagtay weftiga Cali Khaliif ee sugan degmadda Buuhoodle, oo ah maleeshiyo dhinaca maamul-goboleedka Puntland laga taageero, uu sheegay in aanu Cali Khaliif Galaydh meteli karin dadka Buuhoodle, sidaas darteed looga joojiyey inuu u dhoofo Jabuuti.

Dad ku sugan Boohoodle ayaa warbaahinta u sheegay in dhawr saacadood ay xiisadi ka taagnayd garoonka diyaaradaha Buuhoodle kaddib markiii maleeshiyo uu hogaaminayo ninkaas lagu magacaabo Cabdifataax Baydan uu ka hor  istaagay Cali Khaliif inuu ka dhoofo halkaas, isla markaana tacshiirad lala beegsaday diyaaradda qaadi lahayd weftiga Cali Khaliif oo loo malaynayo in dawladda Itoobiya u soo dirtay, waxaanu hoggaamiyahaasi u sheegay warbaahinta n diyaaraddii ay sii daayeen, Cali Khaliif-na ay ka reebeen in uu u raaco diyaaradda Jabuuti oo uu kaga qayb geli lahaa sida uu sheegay wadahadallo u socday  Somaliland iyo Khaatumo,wadahadalladaasi oo uu sheegay Baydan in aan Cali Khaliif ku meteli karin dadka deegaanka Buuhoodle.

Ugu danbeyntii, ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay hogaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galeydh.

Toddobaadkan ayaa qorshuhu yahay in xukuumadda Somaliland iyo Cali Khaliif Galaydh wada-hadal uga furmo magaalada Djibouti, halkaas oo la rajaynayo inay qallinka ku duugaan heshiis kama dambays ah, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire iyo xubno kale oo xukuumadda Somaliland metelayaa ay hadda ku sugan yihiin dalka Djibouti.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.