WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 2, 2016 (Saxafi) – Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shalay ka qayb gala munaaisbad balaadhan oo tababar loogu soo xidhayey Dufcad ka tirsan Ciidanka booliska.

Munaasibadaasi oo ka dhacday Dugisga tababarka Ciidanka booliska ee ku yaala degmada mandheera ee GObolka Saaxil, ayaa masuuliyiintii ka qayb galay waxa ka mid ahaa Wasiirka madaxtooyada, oo halkaasi ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa.

Wasiir Xaashi ayaa hadalkiisa ku bilaabay.  “Sharaf weyn ayey noo tahay in aanu maanta idinkala soo qayb galno xidhitaanka tababarka dufcada 28-aad ee Ciidanka Booliska Somaliland, aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay. Ugu horayn waxaan leeyahay waxaanu idinku hambalyeynaynaa hawshaa balaadhan ee tababarka ah ee maanta idiin soo gabagabowday, sidaa ugu dhabar adaygteen, sidaa ugu samirteen, iyo aqoontaa ka koradhsateen waa idinku hambalyeynaynaa, waana idinku bogaadinaynaa, sidoo kale waxaan jecelahay inaan iyagana halkan ka hambalyeeyo, kana bogaadiyo macalimiintii idinku tacabtay ee aqoonta idin galisay iyo maamulka dugsiga intaba.

SomlegalAds

2“Dugsigani waa beer ay ka baxdo Ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay ka baxayeen wakhti dheer ilaa wakhtigii aynaan qaranka ahayn, ee aynaan xoriyada qaadan ayaa dugsigani halkan ka jiray, Dugsigani waa mid khayr qaba waxaana aan rajaynayaa inaad ku intifaacdaan wixii aad ka barateen.”

12Wasiirka Madaxtooyada ayaa geesta  kale ka hadlay himilada madaxweynaha Somaliland ee ku aadan kor u qaadida Tayada CIidamda Booliska waxaanu yidhi “  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Himiladiisa ayey ka mid tahay in la adkeeyo amniga Qaranka, in la dhiso Ciidanka booliska oo ah ka u xil saaran amniga dalka iyo ka dadweynahaba, in Aqoontooda kor loo qaado in la kordhiyo tiradiisa, tayadiisaba, iyo qalabkiisaba waa siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waa siyaasada Xukuumadda xisbiga KULMIYE. Ilaayo intii Xukuumadda Madaxweyne Siilanayo iyo Xisbiga KULMIYE ay tallada dalka qabteen ciidamo badan oo boolis ah ayaa ciidanka ku soo kordhay.”

5Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sheegay inay Xukuumad ahaa ka goan tahay in dalka la wada, gaadhsiiyo ciidamada booliska waxanau yidhi  “Dalku waa dal balaadhan Garsoorka, amniga iyo Cadaaladda waxa loo baahan yahay in dadka loogu adeego qof kasta oo meel walba jooga,  ka banaanka jooga iyo ka buurta saaranba, si taas loo helo waa in tirada iyo tayada Ciidanka booliska la xoojiyaa, siyaasadaas ayaanu u aragnaa in aanu xaqiijinayno. Marba in ayeynu kordhinaynaa, hadii aynu xoojinay Amaanka Caasimada iyo ka magaalo madaxyeedyada, waxa aynu maanta xoojinaynaa amaanka degmooyinka, ka miiyada, Buuraha iyo banaanada. Degmooyin badan oo boolisku ku yaraa ama aan lahaynba ayey Xukuumaddu maanta doonaysaa inay Ciidamadooda booliska xoojiso barri iyo galbeedba. Waxa ka mida gobolka Xaysimo, waxa ka mida degmooyinka Xudun, Widhwidh, Kalabaydh, Awr boobays, Fiqifuliye, iyo Gobolka Badhan, waxaas oo dhan waxa weeye in amaanka deegaanadaasi la xoojiyo, sidoo kalena Amaanka degmooyinkii horena la xoojiyo.”

11“Waxa laydinka doonayaa masuuliyad wayn inaad gudataan, shalay waxaa ahaydeen shicib, maantana waxaa tihiin Ciidan Qaran, faraqaas ayaa idiin dhaxeeya mudo bilo ah, shalay waxaa ahaydeen rag u fakara sida shicibka, u talaabsada sida shicibka, u dhaqma sida nin shicib ah. Noloshiina wax badan ayaa iska badalay maanta, waxaad u noolaan doontaan sida Ciidan qaran, waxaad u dhaqmi doontaan sida Rag ciidan Qaran ah, waxaad u talaabsan doontaan si adag, waxaad u fakari doontaan si sidii hore ka duwan, hadaad Qoys hostii, Aqal hoostii, aragti gaaban iyo hebel aad xifiltanteen aad shalay ka fakarayseen, maanta waxaad dadkaas oo dhan  u tahay dhex. waxa laydinka doonayaa dhex dhexaadnimo iyo Cadaalad, waxa kale oo laydinka doonayaa dhawr soonaan iyo dhaqan wanaagsan.”

6Ugu dambayntii waxa aynu nahay Ummad waa inaynu wadajir iyo midnimo ku shaqaynaa, gacmaha is qabsanaa, idinku waa inaad dhaqanka Ciidamada iyo kala dambaynta dhawrtaan sidaa imika laydiin ciyaariisanyey ee nin walba nin ugu horeeyey ayaa dhaqanku yahay.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.