WorldRemitAds

Garoowe, Somalia, August 20, 2018 (Saxafi) – Guddi maamul goboleedka Somalia ee Puntland u sameeyay inay abaabulaan colaad iyo dagaalka ka dhanka ah Somaliland oo shalay saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa beeniyay inuu jiro heshiis laga gaadhay colaada gobolka Sool, waxaana ay ku celiyeen inaanay jirin wax gorgortan ah oo ay ka galayaan deegaannada dalka Somaliland ee ay ku murmayaan iyo deminta colaad halkaas ka sii socota.

“Haddaad wada-hadal dooneysaan waa inad ku laabataan dhulkii aad deegaanka u lahaydeen .. waa inaad ku laabataan dhulkii isirkiina iyo dadkiinu degganaa, laakiin ma jiro cid wada-hadal laga-galayo Sool iyo Sanaag.” ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab).

SomlegalAds

Qarjab, wuxuu beeniyay wararka ku aadan in heshiis horu-dhac ah ay Puntland kala gashay Somaliland xaaladda deegaanka Tukaraq, halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidammo labada dhinac ah tan iyo bishii January ee sannadkan, wuxuu intaas ku daray inaanay jirin wax wada-hadal ah oo labada dhinac dhex-maray iyo wax heshiis ah oo ay kala saxeexdeen.

Docda kale, Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) oo guddiga difaaca ka mid ah ayaa sheegay inuu dagaal dhacayo haddii aanay Somaliland ka bixin deegaannadeedda. “Shacabka Puntland waxaan u sheegayaa dagaal wuu dhacaya.. Waar walaahi wuu dhacayaa haddii aanay Somaliland ka bixin deegaannada ay ku soo duushay.”ayuu ku sii daray hadalkiisa.

Dadaallo lagu doonayay labada dhinac inay wada-hadal ka galaan xaaladda ka taagan deegaanka Tukaraq iyo deegaannada kale ayaa hadda u muuqda inay guul-darreysteen dedaallo ay gadhwadeen ka ahaayeen UNSOM iyo IGAD, kaas oo ay Somaliland dhinaceedda aqbashay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.