WorldRemitAds

Addis Ababa, Ethiopia, August 20, 2018 (Saxafi) – (Xaalka Cabdi Iley) Madaxweynihii hore ee Soomaalida Itoobiya Cabdi Iley ayaa loo haystaa dilal badheedh ah oo lagu eedeeyay in uu u gaystay Soomaalida Iyo Oromada.

War laga ka hellay xaallada Madaxweynihii hore ee dawlad deegaanka waxaa uu intaas ku daray in Odaygan Maxkamad lagu saari doono sababta uu ciidamada Liyuu Boliiska ugu isticmaalay inuu ku gumaado Oromada waa sida warbaahinta Soomaalida ee shabakadda Intarnetku ka xiggatay Dr Nagire oo ah afhayeenka Oromia waqtigan, horena u ahaan jiray wasiirkii Warfaafinta ee dawlada Federaalka

SomlegalAds

“Cabdi Iley waa xidhnaanayaa waxaana kiiskiisu noqonayaa mid lagu ogaanayo in madaxii Sirdoonka Itoobiya ee hore u isticmaalay awoodiisa inuu dalka khalkhal galiyo” ayuu raaciyay masuulkaasi oo uu yidhi “Arrinatani sahaalo maaha dad walaalo ah oo taariikhda waligood aanay colaadi dhex marin ayuu dab qabad siiyay” ayuu yidhi afhayeenku.

Masuulkani ayaa cadeeyay in Cabdi Iley yahay nin gumaad baahsan Soomaalidu dhexdeeda ka gaystay isla markaana Oromadana u adeegsaday ciidankii amaanka boqolaalna dilay kumanyaalna qixiyay wuxuuna sheegay in Cabdi Iley la saarayo Maxkamad. Sidaas oo ay tahay dawladda Ethiopia war rasmi ah kama soo saarrin, xattaa xadhiga uu sheegay Afhayeenkan oo loo arko inuu ka mid ahaa dadkii ay is hayeen Cabdi Iley.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Addis Ababa weli ka socda Shirkii qiimeynta lagu samaynayay Gudigga Fulinta DDSI iyo Golaha dhexe Ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya waxaana shirkaasi furay Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya Axmed Shide iyo Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Axmed Cabdi Maxamed oo ah Guddoomiye Kuxigeenka Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaali Itoobiya.

Qiimayntan ayaa waxaa lagu qiimeeyay xubno ka tirsan golaha dhexe ee Xisbiga Soomaalida Itoobiya. Shanta xubnood ayaa lagu eedeeyay in aanay ka soo bixin howlihii shaqo ee loo’igmaday waxaana ka mid ah xubnahaas:

1: Ibraahim Mubaarak Maayarkii magaalada Jigjiga,

2: Farxaan Cabdi Maajuun Gudoomiyaha Gobolka Afdheer,

3: Ibrahim Adan Mahad (ibrahim Sacab) Wasiirka Waxbarashada,

4: Ibraahim Maxamed Hoggaanka nabadgelyadda Maamulka Magaalada Diridhaba,

5 Suubane Madaxa Arrimaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaali Itoobiya Laanta Dire Dawa

Waxa kale oo Qiimeyn lagu Sameeyay Xubno ka tirsan Gudiga Fulinta DDSI oo shan xunood laga Saaray Gudiga Fulinta

1: Madaxweynihii Hore DDSI Cabdi Maxamuud Cumar,

2: Cabdi Jamaal Qalombi,

3: Khadar Cabdi Ismaaciil,

4: Maxamed Rashiid Isxaaq,

5: Naasir Xasan Axmed

Ugu Dambeyntii, Shirkan Qiimeynta ayaa sii socon doona.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.