WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 9, 2015 (Saxafi) – Musharax Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, oo ka tirsan aqalka wakiillada, una ordayay madaxnimada Kulmiye, ayaa sheegay in la gees maray dhaqankii Kulmiye ee wadatashiga iyo isu joojinta ahaa, isla markaana shirkii xisbigu u afduuban yahay laba musharax oo iyaga la siman.

Xildhibaan Kijaandhe, waxa uu sheegay inay faro madhan ka joogaan ergooyin kasta oo ay u direen Madaxtooyada iyo xisbiga, sidaasna ay kaga aayo waayeen in wada hadal xal raadin lagu galo arrimaha la isku diidan yahay, sidaas darted Kijaandhe waxa uu xusay inuu aad uga xun yahay inay halkaasi kaga hadhaan Kulmiye.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.