WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, November 8, 2015 (Saxafi) – Wada-hadaladii u socday Xukuumadda Somaliland iyo Suldaanka falaagoobay ee Wabar ayaa la sheegayaa inay joogsadeen.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, warar aan rasmi ahayn balse laga helayo ilo xog-ogaal ayaa sheegaya in wada-hadaladan oo ujeedadoodu ahayd inay dalka dib ugu soo laabtaan Wabar iyo Maleeshiyo beeleed uu ku urusaday soohdinta labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland ay haatan joogsadeen kaddib markii sida la sheegay Wabar soo gelitaankiisa dalka uu ku xidhay shuruudo adag oo ka daadegi waayey Xukuumadda, isla markaana ay jawaab waafi ah dib u soo celin waayeen ergo u badan jufada Wabar oo u kala dab qaadaysay labada dhinac.

Suldaan WabarWararkan ayaa sheegaya in dib u soo laabashada Wabar iyo maleeshiyadiisu ka dambaysay heshiis Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ku dhexmray xubno ka soo jeeda jufada Wabar iyo xubno ka tirsan masuulyiinta dawladda Somaliland, kaas oo ay saldhig u ahaayeen Cafis Madaxweyne Siillaanyo u fidiyey Wabar iyo maleeshiyadiisa, isla markaana meelayn lagu sameeyo maleeshiyadiisa, iyo arrimo kaleba, taas beddelkeedana uu Wabar dib u soo laabashadiisa shuruud uga dhigay saami-qaybsi Xukuumaddu liqi weyday iyo mansabyo loo xidho maleeshiyadiisa, beelaha uu ka soo jeedo iyo shakhsiyaad kaleba, iyadoo arrimahaasi ay Xukuumadda ula muuqdaan marmarsiiyo uu ku doonayo inuu Wabar sii wado colaadda Somaliland, heshiiskii la gaadhayna aanu daacad ka ahayn.

SomlegalAds

Wabar oo haatan badi maleeshiyadii uu xukumayey dalka ku soo laabteen, nabaddana qaateen ayaan dhinaca kale la ogeyn waxa uu ku dambayn doono heshiiskaasi iyadoo wararka qaarna sheegeyaan in qaybo ka mid ah qurba-joogga beeshiisu kula taliyeen inuu debedda iskaga dhoofo oo aanu isku dhiibin Xukuumadda Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.