WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, November 8, 2015 (Saxafi) – Xildlhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo ka mid ah baarlamaanka Soomaalia, isla markaana ka soo jeeday Somaliland, ayaa u geeriyooday dhaawac ay kooxo hubeysan shalay ugu geysteen degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Wasiirka warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye].

Weerarkan lagu dhaawacay xildhibaan Gurxan ayaa waxaa mas’uuliyadiisa isla markiiba sheegatay Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliyaiyo ciidamada gacanta siiya ee AMISOM.

9832Kooxaha hubeysan oo watay gaadhi ayaa xildhibaanka ku toogtay meel ku dhow Bacadlaha degmada Xamar-weyne, xilli uu ku socday xarunta baarlamaanka oo uu ka dhacayay kulan ay xildhibaannadu lahaayeen.

SomlegalAds

Dhaawaca xildhibaanka loo geystay ayaa ahaa mid culus, kaddib markii kooxaha hubeysan ee weeraray ay rasaasta kala dhaceen qaybta sare ee jidhkiisa, iyadoo illaa lix xabadood madaxa iyo qaar sare kaga dhaceen.

 “Allaha u raxmadee xildhibaanka Maxamed Axmed Gurxan dhaawicii maanta (shalay) soo gaadhay ayuu u geeriyooday, waxaanan tacsi u dirayaa ehelladii, asxaabtii iyo xildhibaannada uu ka tirsanaa, ” ayuu yidhi Maareeye.

Xildhibaan Gurxan ayaa wuxuu noqonayaa xildhibaankii lixaad oo sannadkan 2015-ka oo keliya lagu dilo magaalada Muqdisho, iyadoo toddobaad ka hor weerar lagu qaaday Hotel Saxafi ee Muqdisho lagu dilay xildhibaan Maxamed Cabdi Abti-doon oo xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka tirsanaa.

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Gurxan, isagoo ka dalbaday hay’adaha amaanka dowaladda Somalia inay baadhitaan ku sameeyaan dilka xildhibaan Gurxan ayna jawaab deg-deg ah ka keenaan falkaas.

Dhanka kale, taliyaha booliiska gobolka Banaadir Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo isna la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay inay heleen raadadka kooxihii geystay falkii dhaawaca ahaa ee uu xildhibaanku u geeriyooday ayna ka daba-tagayaan.

Ugu dambeyntii, ma ahan markii ugu horreysay oo kooxo hubeysan ay dilal ugu geysteen Muqdisho xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Somalia, iyadoo weerarradaas ay mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaab.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.