WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, November 13, 2016, (Saxafi) – Magaalada Boorama Ayaa waxa ka socday Ilaa Xalay Dabbaal-Degyo Iyo Damaashaadyo ku saabsan guushii kooxda kubada cagta ee ku ciyaaraysay magaca gobolka Awdal ay ka soo hooyeen tartankii 7-aad ee ciyaarta goboladda oo shalay ku dhamaaday caasimadda Hargeysa, isla markaana koobkii kubada cagta ee tartartanka ciyaartaasi ay qaateen.

Tan iyo markii kooxda ku ciyaaraysay magaca Gobolku 2-1 kaga adkaadeen kooxdii ku ciyaarasay magaca gobolka Saaxil ay dhamaatay ayaa boqolaal dhallinyaro ah hadiiba aanay ahayn kumanyaal ku soo butaaceen suuqyada iyo jidadka waa weyn ee magaalada Boorama iyagoo ku farxsan guushaasi, waxayna taasi keentay in gaadiidkii iyo dadweynihii iskaga gudbayey jidadkaasi kala xidhmaan kana joogsadaan dhallinyaro jidbaysan oo ku qaylinayey guushaasi.

Dhinaca kale, kumanyaal dhallinyaro ah oo shalay subax u soo jarmaaday caasimadda si ay u daawadaan ciyaarta kubada cagta ee kama dambaysta ah ayaa waxa soo daabulayay gaadiidka shirkadaha gaadiidka, iyo gaaiidleyda gaarka ah, kuwaasoo ilaa habeen hore aan kala joogsan gaadiidkooda rakaabku.

SomlegalAds

Shirkadda Bari iyo Galbeed oo iyadu daabulkan u soo dirtay gaadiikooda u waa weyn, ayaa waxa ku biiray shirkadaha Sahal iyo kuwa kale, kuwaasoo dhamaantood kumaanyaal taageerayaal ah ku soo shubay caasimadda iyo garoonka lagu qabanayay ciyaarta kama dambaysta ahayd, halka daabulkaasina uu socon doono ilaa maanta oo ay taageerayaashaasi dib ugu laabanayaan magaaladda boorama,  kuwaasoo soo gelbinaya kooxda kubada cagta ee koobka tartankaasi hanatay. ilaa imika lama sheegin wax shil ah oo helay taageerayaasha iyo ciyaartoyda ku socday ama ka imanayay caasimadda marka loo eego habqanka iyo xawaaraha iyo tirada gaadiidka rakaabkaasi ku socdeen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.