WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 13, 2016 (Saxafi)-Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa eedeemo usoo jeediyey xisbiga WADDANI oo ay ku tilmaameen inuu sharciyaddii burburiyey, isla markaana hay’adaha dawliga ah ee dalka ka jiri uu aaminsan yahay in aanay jirin.

Afhayeenka xisbiga UCID Maxamed xasan Shabaash ayaa Gudida diiwaangelinta ururadda ka dalbaday inay waraaqda xisbinimo kala noqdaan Wadani maadaama oo aanu ayidsanayn hay’adihii qarinka sida Guurtidii, Baarlamaannkii, guddidii diiweaangelinta iyo Maxkamaddii sare.

Sidoo kale, waxay sheegeen inay maxkamad la tiigsan doonaan xisbiga WADANI maadaama oo shirkii xisbiga UCID waxba kama jiraan ka dhigay, waxaanu yidhi “Waxa maalmahan u dambeeyey warbaahinta ku jiray cardaro cadaan ah iyo weerar lagu hayey xisbiga UCID iyo micnihii qaran lahaaba, waxaan cadaynayaa in shirkii aan caadiga ahayn ee aanu qabsanay inuu ahaa mid sharci ah oo aanu fulinay qaraarkii ka soo baxay maxkamadda,qaraarka ka soo baxay maxkamaddu waxa ka mid ahaa in la saaro guddi qabanqaabo oo toban ah oo si isleeg loo qaybsaddo, waxaana marjaca loo noqonayaa ahaanaayaa hogaanka sare ee xisbiga, guddida qabanqaabaddu waxay soo jeedisay in la joojiyo labadda shir kaayagii sharciga ahaa iyo koogii sharci darada ahaa,marka aanu aragnay in qoladda kale doonayaaninay na habsaamiyaan waxaanu qornay waraaq hogaanka xisniga, shanta xubnood ee guddida qabanqaabada iyo guddida diiwaangelinta oo aanu usheegnay in la doonayo in wakhtigu dhaco oo lixdankii cisho ee na loo qabtay ba burburiyo,waxaanu diyaarinay in aanu wakhtigu ka dhamaan xisbiga shantayadii xubnood ee guddida qabanqaabaddu, waxaana dib ugu noqonay hogaanka sare ee xisbiga oo ah marjaca loo noqonayo, waxaana diyaarsanay shirkii oo aanu qabanay, xisbiyadda qaranka waxaanu u gaynay casuumaddo xisbiga WADANI IYO KULMIYE, anagu waanu ka qaybgalnay shirkii WADANI, balse iyagu way noo jareen, waxaan guddida diiwaangelinta iyo maxkamaddaba ugu baaqayaa inay shahaadadda xisbinimo ka qaadaan xisbiga WADANI, Maadaama oo muhmal galiyeen shirkaa qaran ee uu qabsaday xisbi qaran, kamana hadhi mayno waxaana u qoraynaa qoraal aanu leenahay talaabo sharci ah ha laga qaado WADANI”

SomlegalAds

Guddoomiyaha Haweenka ee xisbiga Khadra  ayaa eedeen usoo jeedisay xisbiga WADDANI oo ay ku tilmaamtay Soomaali weyn, waxaanay tidhi “Somaliland way ka weyn tahay in lagu qaado maro khafiifa oo laba qof ku qaadi karaan, oo xamar na dhex dhigaan, WADDANina wuxuu wadda inuu na laalaadiyo oo uu na dhex dhigo Soomaali weyn, waxanu is lahayn waxaad noqonaysaan laba xisbi oo mucaarad ah oo is kaashada, laaakiin waxa nasiib daro noqotay inay naga dhigeen dad kursigii fadhiya oo xisbul xaakin naga dhigeen, idinkuna soomaali weyn u socotaan, dabadeedna aad na aflagaadaysaan, hantiyaddii baad la baxdeen oo lacagtii aanu iska ururinay la baxdeen maxkamad idinba geyn idinmaanu ashakateen, markaasaad waliba cay noogu darteen,”

Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga UCID, Yuusuf Kayse ayaa waxba ka ku tilmaamay rag hadlay oo sheegtay inay yihiin xisbiga UCID, waxaanu yidhi “xisbiga WADANI ayey ragaasi ka tirsan yihiin oo xisbiga UCID kuma jiraan, ayaa gudoomiyaha wax ka sheegayey”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.