WorldRemitAds

Maraykanka oo qorshaynaya cashuur dheer I ah oo dhan 100 bilion inuu ku garaaco Shiinaha, Toddobaadkan horraantiisii ayay ahayd markii ay dowladda Maraykanku ku soo rogtay alaabta Shiinaha uga timaadda ee ay ugu waynyihiin birta aan daxalka yeelan (Steel) iyo Aluminiumka cashuur dheeri ah oo noqonaysa Sannadkii $50 bilion.

Talaabadan ayay Shiinuhu kaga jawaabeen inay iyaguna intaas in le’eg saarayan alaabta uga timaadda dhinaca wadanka Maraykanka ee ay ugu muhiimsan yihiin qalabka baabuurta iyo diyaaradaha laga sameeyo, iyagoo sheegay inay tusayaan Maraykanka inaanay ka baqayn ee ay u jilib dhigayaan dagaalka ganacsiga ee Maraykanku ku soo qaaday.

SomlegalAds

Mar kale ayaa wuxuu madaxweynaha Maraykanka Donald ku hanjabay inuu kor u qaadayo cashuurta (Tarrifs) loo yaqaan 100 bilion sanadkiiba. Wuxuu si kibir ka muuqdo u sheegay Donald Trump inay ka helayaan adduunka kale alaabtan ay cashuurta saareen waa haddii Shiinuhu ay ku qanci waayaan.

Dagaalkan ayaa wuxuu ka bilaabmay iyadoo waddanka Maraykanku u arkaan inuu sawiro Shiinuhu oo uu ka sameeyo Copy iyadoo alaabtooda u arka qaar macduun ah oo farsamadoodu sarrayso, sidaas darteed ay uga dhigayaan karbaash.

Shiinaha ayaa ku jawaabay “Annagu ma rabno dagaal ganacsi oo na dhex mara annaga iyo Maraykanka haddiise aanu Maraykanku joojin cadaadiska uu ku hayo Shiinaha iyo tallaabooyinka dhinaca keli ah ee uu iskii u wato annakuna waanu la gudhin doonnaa ilaa halka ay ku dhamaanayso.

Waxaannu qaadan doonnaa tallaabo cad oo aannu kaga jawaabayno, si aannu u ilaalino oo aannu u difaacno danaha wadankayaga”

Khabiirka dhinaca dhaqaalaha la taliyaha uga ah Guriga Cad ee Maraykanka (Larry kudlow) ayaa tibaaxay mar uu la hadlay warfidiyeenka inaanay jirin wax culays ah oo ay dhinacooda ku keentay cashuurta la kordhiyay.

Suuqyada waddamada Asia ayaan aad looga dareemin dhawaaqa ugu danbeeyay ee hanjabaadda waddanka Maraykanka tusaale ahaan Hon-kong ayaa laga arkayaa iibka suuqa alaabada uu Maraykanku cashuurta saaray inay faaiideen in ka badan 1% taas oo muujinaysa inay iska caabiyi karaan dagaalka ganacsiga ee Maraykanka.

Donald Trump ayaa dhaleecayn kala kulmay qaar ka mid ah Xisbigiisa (Repuplican) jamhuuriga xildhibaan ka soo jeeda (Nebraska) Ben sasse ayaa ka dhawaajiyay inuu madaxweyne Trump Qiiq isku shidayo isla markaana uu khatar ku jiro oo aanu ka fiirsanayn tallaabooyinlka uu qaadayo.

Haa waa run ayuu yidhi xildhibaanku Shiinuhu waa danbiile siyaabo badan ayay danbiile u yihiin, hase ahaattee dariiqii loo mari lahaa in Shiinaha lagaga guulaysto muu marin ayuu yidhi, waxaanu gaas ku shidayaa beeraha waddanka Maraykanka maadaama uu Siidhka iyo waxyabo badan oo beeraha u fiican laga soo dhoofsado waddanka Shiinaha.

Sidoo kale ganacsatada waaweyn ee waddanka Maraykanka ayaa iyakuna canbaareeyay tallabadan uu Trum qaadayo waxanay ku tilmaameen inuu ciyaarta Digaagga ciyaarayo, isla markaana uu ku ciyaarayo Ganacsiga waddanka.

Waxaa wax ka qoray Jacky wattles iyo Jethro Mullen (CNN Money)


Rashiid Odowaa

khadarsalaan@gmail.com

063-4101213


 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.