WorldRemitAds

Dubai, UAE, February 20, 2017 (Saxafi) – Dawladaha Khaliijka Carabta, ayaa la sheegay inay ka wada-hadleen qorshe ay dalalkooda kaga mamnuucayaan inay safar ku yimaadaan Madaxda dawladda Federaalka Somalia iyo siyaasiyiin ka mid ah mucaaridka Somaliland, kadib markii sida la sheegay ay dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu ka cadhootay cambaareyn iyo eedayn uga timid madaxda dawladda Somalia iyo siyaasiyiinta Somaliland ee mucaaridka oo ka soo horjeedsaday Saldhigga Milateri ee ay dawladda Imaaraadka Carabtu ku samaysanayso Berbera, kaas oo ay u arkaan inay muftaax u tahay aqoonsi ay Somaliland ka heshay dawladda Imaaraadka.

Sida ay wargeyska Saxafi u sheegeen ilo xog-ogaal ah oo ku sugan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, Madaxda dawladda Imaaraadka iyo kuwo kale oo ka tirsan dalalka Khaliijka Carabta, oo iskaashi dhinac kasta lehi ayaa ka cadhooday cambaareyn iyo eedaymo ay warbaahinta dalalka Carabta iyo kuwa Caalamka ahi ay maalmihii u dambeeyay qaadaa-dhigayeen oo dawladda Imaaraadka Carabta lagaga soo horjeedo Saldhigga Milateri ee ay dhawaan Baarlamaanka Somaliland ogolaadeen, kadib markii ay dawladda Imaaraadku bishii ina dhaaftay ee January ay ka soo codsadeen xukuumadda Somaliland inay Saldhig Milateri ka siiso magaalada Berbera.

Ilaha warkan aanu ka helnay ayaa sheegay in wada-hadal degdeg ah oo ay ka yeesheen madax ka kala tirsan dalalka Khaliijku ay kaga wada-hadleen tallaabadaas dawladda Imaaraadka Carabta kaga timid madaxda Somalia, waxaanay ilahani Saxafi u sheegeen in wada-hadaladaas layskula soo qaaday in xayiraad ay ka saaraan Madaxda Somalia iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Somalilandba inay socdaal ku tagaan dalalka Khaliijka Carabta ku jira oo ka kooban lixda dal ee kala ah Imaaraadka Carabta, Sucuudi Carabiya, Kuwait, Qatar, Bahrain iyo Cumaan.

SomlegalAds

Sidoo kale, tallaabadan ayaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato caawimooyin farabadan oo dalka Imaaraadka Carabta iyo kuwa kale ee Khaliijka Carabtuba siin jireen dawladda Somalia, kuwaas oo ay ugu weynayd mushaharka ciidamada dawladda Somalia oo ay dawladda Imaaraadka Carabtu balanqaaday inay muddo afar sannadood ah bixinayso oo ka soo bilaabantay sannadkii 2015 iyo tababaro dhinaca ciidamada ah oo siin jirtay.

Madaxda dawladda Federaalka ah ee Somalia oo qaarkood warbaahinta Caalamka la hadleen, ayaa ku eedeeyay inay dawladda Imaaraadka Carabtu faragelin ku soo samaysay wax ay ugu yeedheen Qarannimadii Somalia, isla markaana ay tallaabada ay heshiiska kula galeen Somaliland ay noqonayso mid lagu kala goynayo Somalia oo ay horseedayso ictiraaf ay Somaliland ka hesho dunida. Waxa kale oo ay Madaxda dawladda Somalia ku baaqeen inay dacwad cabasho ah u gudbinayaan Qaramada Midoobay iyo Ururka Jaamacadda Carabta, iyagoo sidoo kale sheegay inay cabasho taas la mid ah ay mar horeba u gudbiyeen Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia ee ku yaal magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Hanti-dhawraha dawladda Somalia ayaa ka mid ahaa Madaxda Somalia ee aflagaadada ka geystay heshiiska Saldhigga Milateri ee Imaaraadka Carabta, kaas oo wareysi uu siiyay idaacadda VOA laanteeda Afka Soomaaliga ku eedeeyay dawladda Imaaraadka inay laaluush farabadan ku bixisay Saldhiggaas, isla markaana ay meel kaga dhacday Qaranimadii ama wax uu ugu yeedhay Midnimadii Somalia oo ay horseedayso in Somalia kala go’do.

Sidoo kale, ayay siyaasiyiinta Xisbiga Waddani ee Mucaaridka ah ee Somaliland ay eedaymo iyo cambaareyn ugu jeediyeen dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo mararka qaarkood qoraal ay soo saareen ku muujinayeen inay ka soo horjeedaan heshiiska xukuumadda Somaliland ay Saldhigga milateri ugu ogolaanayso Imaaraadka Carabtu inuu ka samaysto Berbera, iyadoo ay jirto in xildhibaanada Xisbiga WADDANI ugu jira goleyaasha Wakiiladda iyo Guurtida Somaliland ay aqlabiyadoodu u codeeyeen heshiiskaasi oo uu Madaxweynaha Somaliland horgeeyay fadhi wada-jir ah oo ay laba aqal ee Baarlamaanka Somaliland yeesheen biha 12-dii, kaas oo ay 144 Xildhibaan u codeeyeen ansixintiisa, halka midna ka aamusay mid kalena diiday.

Si kasta ha ahaatee, Saldhigga Milateri ee dawladda Imaaraadka Carabtu ku yeelanayso Somaliland, ayaa khubaro badan u arkaan inay tahay tallaabo ay dawladda Imaaraadku ku dhiiratay, isla markaana ay Somaliland siyaabo badan uga faa’iidaysan doono, haday noqoto mashaariicda maalgelineed iyo dano siyaasadeed iyo kuwo amniba.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa khudbad uu ka jeediyay fadhigii Wada jirka ahaa ee Baarlamaanka Somaliland ee soo-jeedinta heshiiska Saldhigga Milateri lagu siinayo Imaaraadka Carabta, waxa uu ku sheegay in faa’iidooyin badan ay ugu jiraan dadka reer Somaliland, taas oo samayn doonta shaqo abuur farabadan oo ay dhallinyarada Somaliland ka helaan iyo mashruucyo ay ka mid yihiin dhismaha jidka Berbera Corridor ee u dhexeeya Berbera iyo Wajaale iyo mashaariic kale oo dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada bulshada ee kaabayaasha dhaqaalaha ugu muhiimsan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.