WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 24, 2016 (Saxafi) –Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa qoraal uu soo saaray kaga dalbaday dawladaha Caalamka gaar ahaan dawlada Ingiriiska in ay Somaliland ka taageerto aqoonsi Somaliland inay hesho. Isaga oo tilmaamay in taasi wax badan ka tari lahayd Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamkaba.

Qoraalkan Madaxweyne Siillaanyo oo shalay lagu baahiyay in badan oo ka mid ah warbaahinta Caalamka ayaa waxaa uu ku sheegay in Midawgii Somaliland iyo Somalia ee 1960 uu ahaa khalad, Isagoo uu ka danbeeyay Inqilaabkii Siyaad Barre ku qabsaday Jamhuuriyaddii Midowday. Islamarkaana ku xasuuqay dad ka badan 50,000 oo ruux oo reer Somaliland ah oo ilaa waqtigan hadba qaar laga soo saarro Xabaallo wadareedyo.

Madaxweyne Siillaanyo, waxaa uu tilmaamay in halgan ka dib shacabka Somaliland ay 1991-kii dib ula soo noqdeen madaxbanaanidooddii. Islamarkaana, aqoonsi ay beesha caalamku siisaa keenayo inay kaalin firfircoon ka gasho Geeska Afrika.

SomlegalAds

Sidoo kale, waxaa uu xussay Madaxweyne Siilaanyo in ka reebista shirarka Caalamiga ah ee aanay Somaliland ka qaybgalin ay meel ka dhac ku tahay xuquuqda Shacabkan, Iyadoo uu sheegay inay xaq u leeyihiin inay Wakiillo ku matala shirarka caalamka oo laga dhagaysto arrimaha khuseeya ay geystaan. Waxaana uu tusaale u soo qaatay Shirkii cimiladda aduunka ee ka dhacay Paris dalka Faransiiska oo aanay Somaliland qayb ka ahayn, iyadoo uu saameyay isbadalka Cimillada ee duniddu. Ayna waqtigaas jirtay Abaaro arrimahaas ka dhashay oo galaaftay naffo badan, islamarkaana khasaare laxaadleh keenay.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Ingiriiska  taageerada ay siinaysay sanadahan u danbeeyay, gaar ahaan horumarinta kaalimooyinka ay bixiso hay’ada u qaabilsan dalkaas UK ee magaceeda la yidhaa ‘Department of International Development (Dfid)’ sida tobabarka ciidamada ay siyaan, xafiiska barwaaqo sooranka dalka Ingiriiska oo hirgaliyay shirkii wada hadaladda ee u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia sanadkii 2012.“24-kii bishii June 1960, wargeyska London Gaxette cadaadkiisii maalintaas ayaa ciwaankiisu tilmaamayay in Boqorada dalka Ingiriiska ay soo gabagabayneyso isticmaarki Ingiriiska ee Somaliland Protectorate islamarkaana Somaliland noqon doonto dal madax banaan taraiikhdu marka ay tahay 26 June 1960, maalintaas, caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaa hoos loo dhigayaa calankii oo hoos lo dhigay markii ugu dambaysey  iyo xoghayaha wasaarada arrimaha dibada Maraykanka oo farrin hambalyo ah soo direy.”Shan maalimood ka dib markii ay xorriyadda qaadatay ayaa dadka Somaliland oo iskood isku xilqaamay la midoobeen koonfurta Somalia oo uu maamuli jiray Taliyaanigu. Iyagoo isugu tagay sidii loo samayn lahaa dal cusub oo la yidhaa Jamhuuriyada Demoqraadiga Somalia. Talabadaas oo khalad weyn ahayd, islamarkaana ahayd tii keentay dhibtii shacabka loo geystay oo ilaa maanta samayntiisu ka muuqato”

Madaxweyne Siilaanyo waxaa uu ka waramay oo kale Maraaxilkii ay Somaliland soo martay ka sokow midawgaas dhibta keenay iyo geedi socodkii dimuquraadiyadda oo keenay in laba madaxweyne doorasho dadweyne isku bedelaan. Iyadoo isku taxalujisay Somaliland inay hore uga marto oo ka soo kabato dhibkii. Islamarkaana xaliso dhibaatooyinkii gudeheeda oo ku talaabsato ama dhisto dowlad madaxbanaan oo nidaamkeedu u dhan yahay. Taasoo keentay in Shirkaddo ay ka mid tahay DP World ku dhiiradaan inay heshiisyo la galaan. Sidoo kale, dawlada Itoobiya heshiis la gasho iskaashi iyo inay dakadda kala soo degto 30% waxyaabaha ay u baahan tahay.

Waxaana uu Caalamka ugu baaqay in la aqoonsaddo Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.