WorldRemitAds

Jigjiga, Ethiopia, September 16, 2018 (Saxafi) – Maamulka cusub ee dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegay inay muddo bil ah gudeheed ku dhamaystirayaan dib u dhiska Maamulka Dawlad Deegaanka gaar ahaan dhismaha laamaha maamulkaasi oo kala daatay ka dib markii ciidamada Milatariga iyo maamulkii Cabdi Iley isku dhaceen dhibaatana ka dhacday.

Qeybo ka mid ah dawlad deegaanka Soomaalida ayaa laga dareemayay in gaabis uu ku yimid hawlihii Dawladda Deegaanka ka ddib isbadalkii dhawaan halkaasi ka dhacay.

SomlegalAds

Laga billaabo 26-kii bishii hore, waxaa meesha ka baxay inta badan maamulkii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida. Balse waxaa soo baxaya warar ah in shaqaalihii dowladda xitaa aanay helin mushaaraadkooda, iyadoo meelaha qaar bangiyadu xitaa aanay shaqeynayn.

Dhanka kale waxaa soo baxaya shuruudo cusub oo lagu xidhayo cidda qabanaysa xilalka degmooyinka iyo gobollada dawlad deegaanka Soomaalida.

Xasan Maxamed Xuseen oo ah madax xafiiseedka madaxtooyada Doalad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in xisbiga haya talada Deegaanku ay shuruudo ku soo rogeen cidda qabanaysa xilalka degmooyinka iyo gobollada dawlad deegaanka Soomaalida.

Shuruudahani ayaa waxaa ka mid ah in qofka uu haysto shahaadada koowaad ee jaamacadda.

2: In uu qofku leeyahay waayo aragnimo iyo khibrad shaqo.

3: In uu yahay qof bulshada sumcad ku dhex leh.

  1. In uu yahay qof aan lagu soo eedeyn musuqmaasuq.

Waxyaabaha kale ee la isku xidhayo waxaa ka mid “in aanu ka soo qayb qaadaanin hagardaamooyiinkii bulshada lagu soo hayay,” sida uu BBC u sheegay madax xafiiseedka madaxtooyada Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Markii ay meesha ka baxday dowladdii Cabdi Maxamuud Cumar waxaa gabi ahaanba meesha ka baxay maamuladii dagmooyiinka iyo goboladda.

Tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyay maamulka cusub ma soo dhisin masuuliyintii hogaamin lahaa degmooyiinka iyo gobolada.

Balse xukuumadda cusub ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay dib u dhiska maamulka gobolada deegaanka uu ka kooban yahay. “Iyada oo ay dowladda jirto toddobaad kali ah ayaa la dhisay guddiyadan, waxa ay guddiyadan diyaargarowgii iyo isku habaynta howsha iyo xulashada shaqsiyaadkii boosaska buuxin lahaa ayay wadaan,” ayuu yidhi Mr Xasan.

Waxa uu intaa ku daray in dadka deegaanka looga baahan yahay in ay dulqaad muujiyaan maadama sida uu sheegay aanay suuragal ahayn in dowlad lagu dhiso labo toddobaad. “Waqti dheer ma aha In labo toddobaad gudahood lagu dhiso dowlad heer deegaan ilaa heer tuulo, bulshadu waa in ay sugto oo in loo soo socdo ay fahmaan ayaa lagama maarmaan ah howshaasi howl sahlan ma ah,”. Ayuu intaa ku daray

Qaybo badan oo ka mid ah deegaanka Soomaalida ayaa waxaa hakad uu ku yimid adeegyadii ay bulshada u baahnaayeen.

Madax xafiiseedka madaxtooyada dowlad deegaanka Soomaalida Xasan Maxamed Xuseen oo wax laga waydiiyay ayaa waxa uu sheegay in ay qorshaynayaan in muddo bil ah ay dowladda cusub adeegyada ku gaadhsiiso guud ahaan gobolada, degmooyiinka iyo tuulooyiinka. “Muddo bil gudaheed ah wax waliba in ay sidoodii ku soo noqdaan oo ay dowladda ilaa heer qabalo wada shaqo gasho ayaan rajaynaynaa,”

Dhinaca kale, Madaxweynaha dawlad deegaanka Mustafe Maxamuud Cumar ayaa sheegay inay qadarinayaan dhamaan hal-gamayaashii la soo diriray gumaysiga. Waxaana uu yidhi. “Dhamaan halgamadii shacabka Soomaali galbeed waxay ahaayeen halgamo guumaysi-diid oo xalaal ah. Dagaalkii 1977kii wuxuu ahaa uun marxalad ka tirsan halgamadaa lagu diidanaa guumaysiga. Waa inaan ka run sheegnaa taariikhdeena oo aan diidnaa in cid kale inoo macneeyso taariikhdeena. Shuhadadii ku dhimatay difaaca dalkooda iyo dadkoodu waxay inaga mudan yihiin xus iyo maamuus joogta ah. Iyagu way ka soo baxeen waajibaadkii ku aadanaa xilliyadii ay noolaayeen. Ilaahay ha u naxariisto dhamaantood.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.