WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, September 16, 2018 (Saxafi) – Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa faah-faahin ka bixisay wareegto hor leh oo la xidhiidha Wax-ka-bedelka sumadda gaadiidka iyo tacriifad ay u goysay bedelka sumadda gaadiidka.

Warsaxaafaddeed ku taariikhaysan 15/09/2018 oo uu soo saaray shalay Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland, Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa si qoto dheer loogu sharaxay isbedelka ku yimi Sumadda Gaadiidka kala duwan ee dalka iyo awooda ay leedahay arrintaas.

SomlegalAds

Warsaxaafaddeedka ayaa lagu sharaxay Tacriifadaha kala duwan ee Cashuurta Gaadiidka iyo qaadashada Bileydhka Sumadda Baabuurta oo qiimeyaal kala duwan ah.

Nuqul kamida Warsaxaafaddeedka ayaa u dhignaa sidan: “Waxa jirta in warqadda summadeedu tahay WM/02/08-01/1480/2018 kuna taariikhaysan 13/09/2018 ujeedadeeduna ay ahayd wax-ka-bedelkatacriifadda lambarrada cusub ee gaadiidka, taas oo lagu baahiyay baraha bulshadu ku kulanto iyo warbaahinta fogaan-aragga ah ee dalka.

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Oo Sharraxaad Ka Bixisay Qiimaha Iyo Wax-Ka-Bedelka Sumadda GaadiidkaHadaba, war-saxaafadeedkan waxaan ku qaadaa-dhigi doonnaa awooddaha ay wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu u leedahay kordhinta qiimaha balaydhada gaadiidka ee kala duwan, sida oo kale, fulinta iyo hirgalinta xeerka Wadda-marista Gaadiidka.

  1. Xeerka Waddo-marista Gaadiidka

Ugu horreyn Xeerka Wada-marista Gaadiidka ee summadiisu tahay 56/2013 qodobkiisa 48 aad faqraddiisa 2aad iyo 4aad uu si cad u tilmaamayaa isla markaana ina farayaa in la bedelo baleedh-lambarrada noocyada gaadiidka kala duwan, anagoo fulinayna isla markaana meel-marinayna oo u dhigan sidan:

Farqada 2aad “Magaca Gobolka gaadhiga laga diwaan geliyey oo ay la socoto lambarka diiwaangelintu, astaanta rasmiga ah iyo kalmada (Soomaaliland) waa in lagu muujiyaa Taarikada danbe iyo taarikada hore, taarikadana waxa laga samayn doonaa bir ama walax kale oo u-eeg, oo ay ku xusan tahay xarfaha iyo lambarada oo ku xardhan oogo madaw”.

Farqada 4aad“Taariikhada hore waxa lagu muujin doonaa dhamaan calaamadaha ku xusan Taariikada danbe Taarikadaasi waxa laga samayn doonaa bir ama walax kale oo la mid ah, kuna xardhan xarfo iyo numbaro cadaana oo ku yaala oogo madaw ah”.

  1. Xeerka iyo Qodobada Dastuurka ee u Ogolaanaya Wasaaradda H/Maaliyadda ee u ogolaanaya kordhinta Qiimaha (Value) Bilaydhka Gaadiidka

Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay awood u leedahay wax-ka-bedelka qiimaha tacriifadda ee ah dhokumenti kasta oo u taagan lacag sida bilaydh-lambarka. Waxaana u ogolaaday awooddaa Xeerka Cashuuraha Berriga ee ay summadiisu tahay 72/2016 qodobkiisa 52aad kaas oo ka hadlaya wax-ka-beddelka Shaxda iyo Xaddiga Lacagta.

Qodobkani kama hor imanayo Dastuurka qodobkiisa 14aad, waayo isla qodobkaa 14aad faqraddiisa 2aad waxay sheegaysaa in uu xeer kale jidaynayo curinta, dhaafidda iyo wax-ka-bedelka cashuuraha. Xeerkaa kale ee jidaynayaana waa xeerka Cashuuraha Berriga Xeer Lr. 72/2016 qodobkiisa 52 aad, kaas oo sheegaya:-

“Wasiirku ka dib marka uu helo ansixinta Baarlamaanka wuxuu si sharci ah wax ka badali karaa;

  1. Qadar kasta oo lacageed oo lagu qeexay xeerkan ama
  2. Jaantuuska

Xeerarka ay ku shaqayso wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay ka farcamaan dastuurka qaranka, iskamana hor imanayaan ee way-is dhammaystirayaan.

  1. Mudada ay qaadanayso badalaadda baleedhada Gaadiidka

Muwaadinku waa in uu iska bedelo balaydh-lambarka muddo lix bilood ah oo ka bilaabmaysa maalinta la dhaqan-galiyo. Dhokumenti kasta ama shay kasta oo leh qiime-lacageed waxa lagu bedelaa ugu yaraan 3 bilood ugu badnaanna 6 bilood.

Hadaba, lafa-gurid dheer ka dib iyo xigasho xog-koobid habraacyada adduunka sida Ururka Ganacsiga Adduunka (World Trade Organization) iyo Ururka Kastammada Adduunka (World Customs Organization) iyo duruufaha dhaqan dhaqaale ee nagu gadaaman darted in laga dhigo muddada ugu badan oo ah 6 bilood.

  1. U Caddaalad-samaynta Bulsho-weynta Somaliland dhammaan cashuuraha, ajuurooyinka iyo takaaliifaha laga qaado

Sida ay tilmaamayaan dastuurta iyo xeerarka maamulka maaliyadda ee lagu hago dalka waxa waajib ah in laga qaado xaddi isku mid ah dhammaan muwaadiniinta Somaliland ee ay ku waajibtay takaaliif, ujuuro iyo cashuuro ba.

Hadaba, taarikada cusub ee gaadhiga afar taayarlaha ahi waa 1,000,000 halka gaadhiga hore u sii joogay dalka laga qaadayo 600,000 maadaama oo hore looga sii qaaday cashuur 400,000. Si muwaadiniintii lacag isku mid looga qaado, muwaadinka hore u sii haystay gaadhiga waxa laga qaadaya 600,000 ee ka maqan. Balse, caddaaladi kuma jirto laba gaadhi oo isku mid ah in midna hal milyan laga qaado midna 600,000.

  1. Soo Bandhigidda Xaddiga Cashuurta ay ka Qaadaan Dalalka Jaarkeenna ah Bileedhada Gaadiidka

Cilmi-baadhis iyo xog-ururin ay wada sameeyeen wasaaradda horumarinta maaliyadda iyo wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadku waxay ku ogaadeen in uu dalkeennu yahay dalka ugu jaban bileedh-lambarka (Plate numbers) ee gaadiidka marka la bar-bardhigo wadamada kale ee adduunyada. Tusaale ahaan:-

  1. Dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay waxa la cashuuraa isaga 2% ka mid ah qiimaha uu gaadhigu taagan yahay taas oo laga shubo lacag kumaan-kun dollar ah qofka gaadhiga leh.
  2. Kiiniya waa 300 oo Dollar,
  3. Jabuuti $ 200,
  4. Eletariya $130,
  5. Somalia $ 160,

Halka innaga ay maanta ka tahay $100 oo kaliya.

Somaliland ma aha dalka kaliya ee adduunka ka jira, waa mid ka mid ah 200 ee dal ee ka jira adduunka. Sidaa daradeed, waxa muhiim ah in loo dhaqmo si la mid ah sida ay u dhaqmaan adduun-weynaha kale.

Gabogabo

Maadaama oo uu hal-ku-dhegga dawladani yahay sarraynta sharciga, Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay fulisay dhammaan shuruucda dalka ee uu jideeyay baarlamaanku. Waxa muhiim ah in ay shacabku ogaadaan in aanay wasaaraddu jabinin shuruucda u yaalla dalka, isla markaana ay mar walba ku dedaalayso sidii uu dalku u horumari lahaa. Fulinta xeerarkii ay sameeyeen baarlamaanka, dawlad nidaamsan oo daahrufan iyo isla xisaabtan joogto ahi waa mid ka mid ah astaamaha ay dawladani leedahay. Shacab-weynaha Somaliland na waxan ka codsanaynaa in ay dawladda la dhinac istaagaan fulinta iyo sarraynta sharciga.

Fiiro Gaar ah:

Waxaa xusid mudan in samaynta bileedhada gaadiidka sida ugu dhakhsaha badan leh lagu soo wareejin doono gacanta dawladda, isla markaana ay daabici doonto madbacadda qaranku, waxaanay gacanta dawladda ka maqnaan doontaa oo qudha inta lagu wado casriyaynta iyo dalbida mashiinadda lagu daabacayo bileedhada, sidoo kale la diyaarinayo shaqaalihii hanan lahaa hawshan oo xirfadooda iyo aqoontoodana kor loo qaadayo.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.