WorldRemitAds

Fanaanada ugu caansan dalka Ireland Sinéad O’Connor, ayaa qaadatay diinta Islaamka, ka dib markii shahaadada loogu qabtay xarunta Islaamka ee dalka Ireland, maalintii Jimcihii ee October 26, 2018-ka, waxaanu warka la xidhiidha diinta Islaamka ee haweenaydani ka mid noqday kuwa loogu hadal haynta badan yahay dunida.

 Sinéad O’Connor ayaa dunida caan ka noqotay sanadkii 1990-kii markii iyadoo aad u da’yar ay soo saartay albankeedi ay ku jirtay heesta Nothing Compares 2U, taas oo ka mid noqotay kuwa loogu jeclaa wakhtigaa ee sida wayn ugu fiday dunida.

SomlegalAds

Fanaanadan reer Ireland Sinéad O’Connor, ayaa markii ay muslimtay ee diinta Islaamka qaadatay ee Shahaadada Loo Qabtay badashay magaceedi hore, lana baxday Shuhada, magacaas oo isaga laftiisu noqday mid warbaahinta reer Galbeedku si wayn u faaqiday, faalooyin kala duwan ay ka bixiyeen.

Hadal mahad naq iyo ogaysiis isugu jira oo ay Shuhada ku baahisay bogeeda Twitter-ka ayay ku cadaysay, inay muslimtay oo ay diinta Islaamka qaadatay, waxaanay muujisay sida ay uga go’an tahay ku dhaqan diinta Islaamka iyo axkaamteeda, waxa kale oo ay u mahad naqday Muslimiinta oo ay sheegtay inay taageero wayn u fidiyeen.

Sinéad O’Connor, oo imika magaceedu noqday Shuhada ayaa sheegtay in qaadashada Diinta Islaamku ay uga dhigan tahay, inay mar kale soo dhalatay, waxaanay cadaysay in hanuunka Rabi ay ku dheganaanayso, go’aan kama danbays ahna ay ka tahay inay Islaamtay, rejo wayna ku qabto inay ku dhimato iyadoo Muslimad ah.

Sheekh Cumar Qadari oo ka mid ah Imaamyada Muslimiinta reer Ireland ee diinta Islaamka wakhtiyo hore qaatay, ayaa bogiisa Twitter-ka ku baahiyay, muuqaalka fanaanada Sinéad O’Connor, oo shahaadada loogu qabanayo xarunta dhexe ee Muslimiinta Ireland ee magaalada Belfast ee caasimadda dalka Ireland.

Shuhada ayaa laga arkayay iyadoo ilmaynaysa markii shahaadada loo qabtay, waxaanay sheegtay inay sidaa kaga baxday diinta Kiristaanka iyo ku dhaqankii Lahuutka, ama mucatab caabudka, waxaanay cadaysay inay diinta Rabi qaadatay, dibna u dhalatay oo sidaa talo ku gaadhay hanuunka Rabina ay heshay kuna dhiman doonto iyadoo Islaam ah, haddii Alle (SW) Raali Ka Noqdo.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa markiiba bilowday faalooyin ka dhan ah fanaanadan reer Ireland ee muslimtay, taas oo ku biiraysa dadka caanka ah ee saamaynta wayn ku leh qaarada Yurub ee Diinta Islaamka qaatay, waxaanay wakaaladaha wararka qaarkood soo dhigeen faalooyin ay ku durayaan, kuna tilmaamayaan inay is bad badal badan tahay ama aanay ku adkaysan Karin go’aankeeda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.