WorldRemitAds

Garowe, Somalia, October 27, 2018 (Saxafi) – Maamul goboleedka Puntland iyo Xukuumadda Somalia ee Farmaajo ayaa isku seegay diyaarad la doonayey in Somaliland magaca lagaga dilo oo loogu tala-galay in lagu qaado dhaawac ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Sool ee Somaliland.


“Diyaarada Muqdisho ka soo duushey halkii ay dadka dhaawaca ah ka qaadi laheyd waxaa iska soo buuxiyey Xildhibaano iyo xubno ka tirsan Xukuumada Khayre” Mid ka mid ah shaqaalaha Madaarka Garowe


Diyaaraddan oo marka hore qorshuhu ahaa in wax lagu yeello sumacadda Somaliland, Islamarkaana la iskaga horkeenno ayaa dhinaca kale waxaa ay tuhun ka dhex abuurtay labada maamul ee Somalia.

SomlegalAds

Duulimaadka diyaaradan oo ku soo beegmey xilli uu go’an yahay xidhiidhka u dhexeeya maamulada Soomaaliya iyo Dowlada Farmaajo  ayaa sida wararka la helay sheegayaan maamulka Puntland ayaa diidey Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Xukuumada RW Khayre oo la socdey diyaaradaas iney soo dhaafaan garoonka diyaaradaha Garowe. ”Waxaa uu ahaa duliimaad diyaaradeed oo siyaasadeysan, sababtoo ah diyaarada Muqdisho ka soo duushey halkii ay dadka dhaawaca ah ka qaadi laheyd waxaa iska soo buuxiyey Xildhibaano iyo xubno ka tirsan Xukuumada Khayre oo u badan kuwo ka soo jeeda degaanada dagaalku ka dhacey kuwasoo uu hogaaminayey Wasiir Bidhaan taasoo sababtey iney markii dambe dhaawacii ay ka qaadi laheyd magaaalada Galkacayo loo waayo meel la saaro.” Sidaas waxaa yidhi sarkaal ka tirsan maamulka Cabdiweli Cali Gaas.

Wararka aan ka heley maamulka Garoonka diyaardaha Garoowe ayaa sheegaya in maamulka Puntland aqbalay in diyaaradaan dagto balse xubnaha saaran ayaa amar lagu  bixiyey inaanay soo dhaafi karin gudaha diyaarada. ”Waxay sidey dhowr kartoon oo faleebayaal ah sababta ay Garowe u soo mareen xildhibaanada iyo xubnaha kale ee ka socda Xukuumada Khayre waxay aheyd mid siyaasadeed iyo iney isku sawiraan ee ma aheyn mid wax loogu qabanayo dadka dhibku kasoo gaadhey dagaalkaan.” Sidaas waxaa yidhi mid kamid ah saraakiisha garoonka oo diidey magaciisa.

Diyaaradaan oo markii dambe u duushey magaalada Galkacayo halkaas oo ay ku sugnaayeen in ka mid ah dhaawacii ku waxyeeloobey dagaalkan ayaa waxaa u suurtoobi waydey iney wada qaado dadkaas madaama ay soo buux dhaafiyeen markii hore Xildhibaano iyo xubno ka tirsan Xukuumada Khayre. ”Waxay noqotey in odyaasha iyo waxgaradka kale ee gobolka Mudug ka codsadaan Madaxweyne Gaas in xubnahaan habeen hore u hoydaan magaaalada Galkacayo si diyaaradu u qaado dhaawacayda.” Sidaas waxaa Garowe Online u sheegay sarkaal ka tirsan wasaradaa duulista ee ku sugan magaalada Galkacayo.

Waxaa heerkii ugu hoseeyey maraya xidhiidhka u dhexeeya maamulada Soomaaliya ee Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug” iyadoo madaxda afartan State ay Khamiistii soo saareen warmurtiyeed ay kaga sii fogaanayaan xidhiidhka ay la leeyihiin Villa Somalia.

Villa Soomaaliya gaar ahaan madaxda sare ee dowlada Farmaajo ayaa aad ugu dadaaleysa sidii carqalad ay uga dhex-abuuri laheyd maamuladaas gaar ahaan kuwa madaxdooda xilka ka sii dhamaanayo iyo shacabka ku nool degaanadaas.

Cabdiweli Cali Gaas oo muddo xileedkiisa sii dhaamanayo ayaa ku guldareystey hogaminta Puntland mudadii Shanto aheyd isagoo khilaafka soo jireenka ah ee u dhexeyn jirey madaxda Villa Somalia u adeegsadey danihiisa siyaasadeed iyo shaqsi kadib markii ugu dambeyntii maalintii khamiistii uu ku dhawaaqey xisbi mucaarad ah oo uu madax ka yahay kaasoo sheegey inuu kaga qayb galayo doorashada dalkaas ka dhaceysa 2020.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.