WorldRemitAds

Nairobi, Kenya, November 18, 2016 (Saxafi) – Munaasibad lagu xusayey Weriyihii weynaa ee Geeriyooday Axmed Xasan Cawke ayaa lagu dhigay magaaladda Nairobi ee Kenya, kaas oo lagu soo beegay sanad guuradii ka soo wareegtay maalinta uu hoyday Cawke.

Baroordiiqdan ayaa lagu soo bandhigay Film uu matalayey marxuum Cawke oo magaciisa la yidhaa Qab iyo Iil, kaasi oo uu ku matalayey oday waayeel ah oo nabad doon ah oo ay dhibayaan dhibaatooyinka qabiilooyinka ee had iyo goor iskaga hor yimaadaan qabiilooyinka walaalaha ah ee wax yar oo basiid ah isku dilla.

Filimka lagu xusayay Geeridii Wariye Cawke ayaa waxaa lagu qabtay tiyaatarka Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya waxaana filimkan lagu magacaabaa Qab iyo Iil, kaasoo uu jilaaga koowaad ka ahaa Wariye Axmed Xasan Cawke, uuna wax ka metelayay Wariye Cabdisalaam Ibraahim Hareri oo ahaa saaxiibka ugu dhaw ee Marxuum Cawke.

SomlegalAds

marxuum-cawke-iyo-hereriMunaasabaddan Xuska ahayd, ayaa Waxaa ka Qayb-galay; Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya Nairobi, Jamaal Mxamed Xasan, Xildhibaan Ducaale iyo Yuusuf Xasan oo kawada Tirsan Baarlamaanka Kenya, Madaxii hore ee Laanta Soomaaliga ee BBC-da, Maxamed Cabdillaahi, suxufiyiin iyo marti-shara kale oo gabi ahaan qiray kaalintii weynayd ee uu Wariye Cawke ku lahaa Warbaahinta Soomaaliya.

Dhanka kale, Filimkan ayaa waxaa sameeyay Axmed Faarax oo kasoo shaqeynayay muddo badan sidii ay bulshada Soomaaliyeed u daawan lahaayeen, waxaana soo saartay shirkadda Riyo Films.

Ugu dambeyntii, ALLAHA u Raxmadee, Wariye Axmed Xasan Cawke, ayaa 17-kii bishii November ee sannadkii hore 2015-kii, wuxuu ku geeriyooday degmada Jigjiga ee Dowlad-deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, isagoo u geeriyooday xanuun neef-mareenka ka haleelay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.