WorldRemitAds

Gashaanti Ruush ah oo ka mid ahayd dadkii iibsaday tigidhada diyaaradii Ruushka ahayd ee maalintii sabtidii ku burburtay, gobolka Siinay ee dalka Masar, ayaa ka warantay, sida mucjisada ah ee ay uga badbaaday shilkaas diyaaradeed oo 224-kii, qof ee la socday dhamaantood ay ku wada dhinteen.

Gabadhan oo lagu magacaabo, Jana Veratnikova, ayaa dalxiis ku joogta dalka Masar, waxaanay iibsatay tigidhkii duulimaadkii diyaaradani ku burburtay, hasa yeeshe daqiiqadihii ugu danbeeyay, ayay badashay go’aankeedi oo ay ka noqotay.

56351003c46188727a8b4582Sida ay ku sheegtay waraysi ay siisay, telefishan laga leeyahay dalka Ruushka, Jana oo ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada labaad ee ugu wayn dalka Ruushka ee St. Petersburg, ayaa sida ay sheegtay tigidhka ay markii hore goosatay ahaa duulimaad Sharma Sheekh/St. Peretsburg, kaas oo haddii aanay ka noqon ay ka mid noqon lahayd rakaabkii raacayay diyaaradii burburtay.

SomlegalAds

Laakiin, markii ay saacado yari ka hadheen ayay badashay oo waxa ay ku badalatay duulimaad kale oo Moscow ilaa Sharma Sheekh ah, kaas oo ay wali sugayso, oo aanay u duulin, sida ay sheegtay, waxa mar kaliya, ku dhashay go’aan deg deg ah, oo ay kaga maagtay safarkeedi ay ku raaci lahayd diyaaradii burburtay.

Jana oo u warantay Telefishan ku yaala magaalada ay ka soo jeedo ee St. Petersburg oo lagu magacaabo, “Zvezda Tv”, ayaa sheegtay in awood xoog leh oo aanay garan karaynin ku khasabtay inay deg deg uga noqoto go’aankeedi hore, oo safarkeedu u badasho Moscow, waxaanay nafteedu ku qanacday in dalxiiskeeda ay uga faa’iidaysato magaalada Caasimadda u ah Ruushka Ee Moscow oo ay sii marto.

Sida ay sheegtay shakhsi ahaan maaha dadka is bad badala ee marba go’aanka qaata, waxaanay xustay inay ceeb u aragto in qofku labac labacleeyo, balse ay maalintan ku dhiiratay, si deg deg ahna shirkadu uga aqbashay codsigeedi oo wax walba si fudud ugu dhamaadeen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.