Hargeysa, Somaliland, September 8, 2016 (Saxafi)-Siyaasi Cabdiqaadiir Cali Obsiiye, ayaa sheegay in goleyaasha qaranka muddo dhaaf ku wada jiraan, waxaanu usoo jeediyey inay maqlaan rabitaanka shacabka Somaliland.
Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo sheegta inuu yahay musharax madax banaan, islamarkaana dalbanaya in dastuurka la furo oo lagu daro qodob ah in musharax madax banaani jiro oo lagu tartamo.
Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa aan ku baraarujinayaa shacabka in ay maanta yihiin golayaasha aan dooranay kuwo wakhtigoodii dhacay ama si kale aynu u dhigno ay yihiin kuwo ku fadhiya muddo dhaaf, taas oo aynu sheegayno dadka in guurtida la doortay afar sanno balse ay maanta joogaan shan iyo toban sanno, Wakiiladii la doortay shan sanno ay maanta marayaan laba iyo toban sanno, xukuumaddii shanta sanno la doortay ay maanta marayso lix sanno iyo badh, sidaa darteed, waa in ay eegaan shacabka iyo taladiisa, waxaanu leenahay halka aad fadhidaan iyo muddo kordhinta aad ku fadhidaan waad arkaysaan soomaalidu waxa ay ku maahmaahda waxa jira dhego laydh u daloola waa kuwa marka loo soo jeediyo waanada nasteexadda iyo xaqa marka loo soo jeediyo aan qaadanin waa kuwo marka loo soo jeediyo waanada nasteexadda iyo xaqa marka loo soo jeediyo aan qaadanin ee dabaysha iyo waxyaabaha aan macquulka ahayn ee sida wakhti lumiska, munaafiqada, isku dirka iyo waxyaabaha noocaas ah ka shaqeeya weeyan, xaqa iyo nasteexada iyo waanada saxda ah ee wadanka iyo dadkan u baahan yihiin aan qaadanin weeyaan, kuwa laabta u daloola waxa weeyaan kuwa marka loo soo jeediyo waanada iyo xaqa iyo nasteexada dhabta ah waa kuwa qaata ee ku dhaqaaqa ficilka, waxa aan leenahay ha noqonina kuwa laydhka u daloola iyo waxa yaaba ha kale ee ka jira dalkeena” .