GORFEYNTA WARGEYSKA: Madaxweyne Biixi: Gurgurshaa Biyo Ma Daadshe Ah Iyo Layli-Buubaal Ah, Midkee Buu Noqon Doonaa?

0
121
Muuse Biixi Cabdi
PropellerAds

Sida la ogyahay doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka dhacday bishii November ee sannadkii 2017 waxa ku guulaystay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici oo ka sharaxnaa xisbiga Kulmiye, ka dib markii ay cod shillis ku bariijiyeen raggii dhigooda ahaa ee ka sharaxnaa asxaabta kale. Madaxweyne Biixi foollaydayntiisii Madaxweynenimo ka dib waxa uu ku dhawaaqay golihiisii cusbaa ee wasiirada, oo ka kooban ilaa saddoneeyo xubnood, taasina waxay ahayd talaabadiisii u horaysay ee uu ugu wanqallay cahdigiisa Madaxweynenimo. Laakiin inkasta oo laga yaabo inay jiraan dhaqdhaqaaqyo socda oo aan weli debedda u soo bixin, hadana waxa jira talaabooyin kale oo googoos ah oo la qaaday, waxaana ka mid ah, amarkii uu Madaxweyne Biixi ciidamada qaranka ku amray inay hore ugu ruqaansadaad jiidda Tukaraq oo markii hore fadhiisin u ahayd maleeshiyaad ka amar-qaata maamul-goboleedka Puntland, taas oo Madaxweyne Biixi ku keentay culays weyn oo dhinaca diblomaasiyadda ah, iyadoo ay beesha caalamku si weyn cadaadis ugu saareen inuu ciidamadiisa dib ugu celiyo halkii ay ka soo ruqaansadeen, balse waxa la xaqiijiyey inaanu Madaxweyne Biixi taa dheg u jalaqsiin, uuna ku adkaystay inaanay ciidamadiisu halkaa dib uga soo noqonayn ilaa ay ka gaadhayaan halka ugu dambaysa xadka Somaliland.

Warar xog-ogaal ah ayaa iyaguna farta ku fiiqaya inuu Madaxweyne Biixi durba waxoogaa horumar ah ka sameeyey dhinaca siyaasadda arimaha debedda , waxaana ka mid ah, maqaamka wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo la ogolaaday in ugu dambaynta wixii la isku mari-waayo dhinac saddexaad oo beesha caalamka ahi ka garqaadaan, iyadoo ay wararku intaa ku darayaan inuu Madaxweyne Biixi guud ahaanba culays weyn saari doono siyaasadda arimaha debedda iyo qadiyadda aqoonsiga Somaliland, ayna jiraan qorshayaal cusub oo laga shaqaysiin doono.

Ta kale maalin dhoweyd waxa la maqlayey Madaxweyne Biixi oo meel fagaare ah kaga dhawaaqay inuu lacag la’aan ka dhigay dugsiyada H/dhexe ee dalka iyo in dib u eegis weyn lagu samayn doono manhajka iyo tayada waxbarashada dalka, iyadoo ay lacag la’aanta dugsiyada H/dhexe ka mid noqonayso waxyaaalaha saamaynta ku yeelanaya nolosha mujtamaca, isagoo dhinaca kalena isla munaasibaddaa qader dhaqaale ah ugaga yaboohay ururada dhallinyarada , taas oo uu sheegay inay hordhac u tahay barnaamijyadiisa dhiirigelinta ee dhinaca dhallinyarada,

Hadaba, iyadoo la filayo inuu Madaxweyne Biixi talaabooyin kalena qaadi doono, isla markaana talaabo kasta oo la qaado ay ka imanayso dareemo jawaab celin ah oo kala duwan, ha noqoto soo dhoweyn ama ha noqoto diidmo, sidaa daryteed marka laga hadlayo isbedellada madaxtinimada ee ku yimaaada nidaamka doorasho dadweyne ee uu qof waliba codkiisa dhiibanayo (one man one vote) waxa ugu muhiimsan, uguna saamayn badan ta madaxtooyada, ha noqoto Madaxweyne, Ra’iisa-,wasaare ama wax u dhigma’e. Sidaa darteed marka uu isbedelka caynkaas ahi dhaco waxa jirta filasho dhinaca rajada ah oo looga fadhiyo isbedelka cusub, taas oo macneheedu yahay inay wax cusubi soo kordhi doonaan, iyadoo uu isbedelkaasi saamayn ku yeesho dhinacyada siyaaasadda, nidaamka maamul iyo hab-dhaqanka nololeed ee mujtamaca. Sidoo kale waxa uu dareen xajiin leh ku reebaa dhinacyada siyaasadda ama asxaabta lagaga guulaystay tartanka, kuwaas oo aan marnaba ku faraxsanayn guusha laga helay.

Mar hadii ay caynkaa tahay su’aasha aynu qormadan ku fallanqayn doonaa waxa weeye Madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa cusubi saamayn noocee ah ayey mustaqbalka dhow ku yeellan doonaan dhinacyada siyaasadda, nidaamka maamul iyo xaaladaha nololeed, iyadoo ay budhigga dooddu tahay, maxaa laga filayaa.

Inta aynaan ku dhex-dhicin faaqidaada su’aashan, waxaynu marka hore waxyar ka iftiimanaynaa laba dareen oo waqtigan xaadirka ah mid-ba dhinac ka eegayo dhaqdhaqaaqa socda.

Dareenka hore wuxuu yahay ka qolyaha mucaaradka oo si weyn isha ugu haya Madaxweyne Biixi iyo xukuumadiisa cusub, iyadoo la aaminsan yahay ama ay runtaba u dhowdahay inay qolyaha mucaaradka, weliba xisbiga WADANI iyo kooxihiisa siyaasadeed ay koleyba gar iyo gardaroba fooxa ugu ridayaan ama tusbaxa u rogayaan inay Madaxweyne Biixi iyo xukuumadiisu noqdaan kuwo fashilma oo haad iyo haanraawe ka dhergo. Sidoo kale asxaabta mucaaradku waxay daymada shabeelka ku eegayaan bal sida ay u raad-dhaqaajiso siyaasadda Madaxweyne Biixi, iyagoo waynayso ku bidhaaminaya gol-jilicdii ay micida ka gelin lahaayeen.

Dareenka labaad waxa uu yahay dhinaca xoogagga muxaafidka ee xisbiga Kulmiye, kuwaas oo iyaguna daymada Wiyisha ku eegaya bal sida ay isu qorto siyaasadda hogaamineed ee Madaxweyne Muuse Biixi. Ta kale qolyaha muxaafidku waxay iyaga laftoodu tusbaxa u rogayaan inay siyaasadda hogaamineed iyo maamul ee Madaxweyne Biixi noqoto mid si weyn loogu cali-cigaalo oo keenta isbedel dhinaca horumarka ah, uuna noqdo hogaamiye ummadda uu madaxweynaha u yahay labada gacmood-ba ku daadihiya, isagoo bahdiisa muxaafidkana daymada adhijirta ku eegaya.

Marka la eego su’aasha bud-dhigga u ah qormadeena, waqtigan xaadirka ah way adag tahay inaynu u helno jawaab lagu negaan-karo, waayo wax waliba waa goor hore, oo madaxweynaha iyo xukuumadda aynu ka hadlaynaa waxay ku jiraan maalmihii bilicowsta. Waayo Somalidu waxay tidhaahdaa “reerka caruuska ah ama bili-cowsta ah xataa tukuhu ma raqeeyo, waayo weli looma xoolo.goyn”. Haseyeeshee waxa jira dareenno iyo ifafaalayaal hordhaca ah oo lagu naaqishayo siyaasadaha Madaxweyne Biixi iyo sida uu wax odhan doono mustaqbalka dhow, kuwaas oo aragtiyo kala duwan bixinaya.

Dad badani waxay aaminsan yihiin inuu Muuse Biixi yahay nin samayn kara ama samayn doona nidaam maamul oo waxku ool ah, kana soo dhallaali kara hogaamintiisa iyo ka midho-dhallintiisa. Dadka aragtidan qabaa waxay intaa raacinayaan Muuse waa nin xog-ogaal ah oo tay-taagtaba soo joogay, kana dheregsan sooyaalka uu soo maray iyo xaaladaha dalka uu madaxweynaha ka yahay. Sidaa darteedna ay waayo-aragnimada caynaas ahi si weyn uga naas-nuujin doonto tabihiisa dhinaca hogaaminta iyo ibbo-bixinta duruufaha horyaal, laakiin aragti taa ka duwan baa jirta oo odhanaysa “marka la eego dhinaca hogaaminta Muuse Biixi waa Awr buubaal ah, waxaanuna ka baqaynaa inuu reerka kala qubo oo uu aqalka badh daadsho”. Haseyeeshee marka la eego mudada yar ee uu kursiga ku fadhiyey dadka dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed u dhuun-daloola ama kala sheekaystay axwaashka dalka waxay soo qadimayaan tibaaxo iyo tacaaliiq ay sawir kaga bixinayaan aragtida uga bidhaantay Madaxweyne Biixi, waxayna marka la soo koobo leeyihiin “waxa uu noogu muuqdaa nin aan degdegsanayn oo doonaya inuu ka baaraan-dego sidii uu isugu duwi lahaa, waxna uga qaban lahaa axwaasha siyaasadeed iyo duruufaha kala duwan ee dhex-ceegaaga dalka uu madaxweynaha u noqday”. Iyadoo ay dhinaca kalena warar xog-ogaal ahi si weyn farta ugu fiiqayaan inay Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisu dhaxleen duruufo ay culayskooda la baaxaadegayaan.

Waxa kale oo ay intaa raacinayaan “waxa kale oo nooga muuqatay inuu yahay nin wax dhegaysanaya oo dhugmo u leh aaraahda iyo talooyinka kala duwan ee ay dadku u qadimayaan”. Taasina waxay meesha ka saaraysaa aragti didmo leh oo ay dadka qaar qabaan, kuwaas oo leh “waa nin qabweyn oo ay tiisu meel u taal”.

Dhinaca kale marka la eego xubnihiisa golaha wasiirada, inkasta oo ay intooda badan yihiin rag cusub oo aan xilal hore oo cul-culus soo qaban, taas darteedna ay degdeg tahay in markiiba birta la dul-hadhiyo, hadana dadka qaar baa soo qadimaya tiraab odhanaysa “inbadan oo ka mid ah xubnaha golaha wasiiradu malaha xajmigii iyo baarqabnimadii ay shafka ugu dhigan lahaayeen hadii ay dawladda soo waajahdo dirir siyaaasadeed”. Laakiin waxa jirta afkaar ama dood taa ka jawaabaysa oo odhanaysa “Xataa hadii ay taasi jirto waxa meesha fadhiya Madaxweyne laga filayo inuu markiiba isu-daruuri doono biyo-culusta ay wadaanta ka saari kari-waayaan kaadiriyiinta uu xushay”.

Hadal iyo murti Madaxweyne Muuse Biixi waxa looga fadhiyaa inuu noqdo hogaamiye daadihiya ummadda uu madaxweynaha u yahay, kana midho-dhalliya barnaamijyo dhinaca horumarka ah, isagoo wehel ka dhiganaya suuradinta caqliga iyo daadihinta talo-wadaagga.

Waxa kale oo iyana ma-dhaafaan noqonaysa inaynu hoosta ka xariiqno laba arimood. Ta hore ummadda waxa laga rabaa inay gacan-shilis ka geystaan wixii talaabo ah ee dhinaca horumarka loo qaadayo, ta labaad-na waxay tahay dawlad kasta oo cusubi waxay u baahan tahay in la siiyo waqti ay ku loxos-goyso oo kaga baxdo qar-qarbada iyo fursad ku fillan oo ay kaga jawaabi karto arimaha horyaal, taasina waxay raad-raac iyo bud-dhig u noqon doontaa su’aasha miiska inoo saarran jawaabteeda.

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.