WorldRemitAds

Berbera, Somaliland, December 4, 2016 (Saxafi) – Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan su’aalo ay ku waydiiyeen la qaatay dhallinyarada aqoonyahanka ah ee jaamacadaha magaalada Berbera xalay.

Guddoomiye Muuse Biixi iyo madax kale oo wehelinahya oo weli ku gudo jiray qiimaynta xaaladda abaarta ee weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland ku soo mareen gobollada bariga, isla markaana dhawrkii habeen ee u dambeeyey ku sugnaa magaalo-xeebeedka Berbera, ayaa kulan ballaadhan la qaatay dhallinyaro aqoonyahan ah oo dhammaystay ama ku jira jaamacadaha magaalada, kuwaas oo u badnaa hablo, iyadoo ay wehelinayeen xubnaha hoggaanka Garabka Haweenka xisbig KULMIYE ee Gobolka Saaxil.

Is-xogwaraysi dhexmaray labada dhinac kadib waxa halkaasi dhallinyarada aqoonyahanka ahi ku waydiiyeen Guddoomiyaha KULMIYE su’aalo fara badan oo nuxurkoodu taabanayey, waxbarashada, caafimaadka, shaqo abuurka, gaar ahaan shaqo helidda hablaha, baahiyaha aasaasiga ee magaalada Berbera, suurtogalnimada in jaamacad dawladeed laga hirgeliyo Gobolka, qorshayaasha horumarineed ee u yaal xisbiga iyo murrashaxa Madaxweynaha iyo kuwo kale oo taabanaya nolosha.

SomlegalAds

Dhankiisa Guddoomiye Muuse Biixi oo dhammaan su’aalahaasi uga jawaabay si waafi ah, waxa uu si faahfaahsan uga hadlay qorshayaasha horumarineed ee barmaamijka siyaasadda xisbiga KULMIYE ku galayo doorashada oo dhawaan la soo bandhigi doono, waxa uu soo bandhigay aragtidiisa ku aaddan sida uu doonayo in mustaqbalka Somaliland noqdo sannadaha soo socda, sida loo horumarin karo Berbera iyo waxyaabaha ay kaga duwan tahay magaalooyink kale.

Jawaabaha murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE ka bixiyey su’aalaha aqoonyahanku waydiiyey, ayaa noqday qaar ay si fiican ugu qancaan dhallinyarada oo iyagu halkaasi ku ballanqaaday inay si buuxda u barbar-istaagayaan xisbiga iyo sidii uu Madaxweyne dalka uga noqon lahaa Guddoomiye Biixi.

Kulanka waxa Guddoomiyaha KULMIYE ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Dr. Cumar Shucayb, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Cali Axmed Maxamed (Cali Dhagoole), Maareeye-ku-xigeenka Dekedda Berbera, Xoghayaha Dawladda Hoose ee degmada Berbera, Afhayeenka xisbiga KULMIYE Xasan Gaadhaafi, Guddoomiyaha xisbiga ee Gobolka Saaxil, Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee xisbiga, xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera iyo madax kale.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.