WorldRemitAds

“Gudoomiyahana meeqaamkiisa may ahayn inuu saldhig tago, mana jirto wax hub ah oo lagu qabtay iyo aflagaado loo geystay midnaba” Faysal Xiis

Hargeysa, Somaliland, December 4,2016 (Saxafi) – Taliska Bileyska Somaliland ayaa ka jawaabay eeddo uu gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna golaha Golaha Wakiiladddu u jeediyey ciidanka oo Booliska Somaliland oo uu ku eedeeyay inay ka horjoogsadeen inay Saldhigga dhexe ee Bileyska Hargeysa ku booqday xubno xisbigiisa ka tirsan oo halkaas ugu xidhnaa nin ay dhaawacyo u geysteen, isla markaana ay ciidanka Saldhigga joogaa aflagaado iyo falal uu ku tilmaamay inay qoryaha ku fiiq fiiqeen ugu geysteen halkaas.

Hase yeeshee Afhayeenka Ciidanka Bileyska Somaliland, Faysal Xiis ayaa sheegay in labadan nin ee gudoomiyuhu doonayey inuu saldhiga ugu tago ay u xidhan yihiin sharciga, isla markaana u soo jeediyey in la kala saaro siyaasadda iyo sharciga, waxaanu intaas ku daray in meeqaamka gudoomiyaha aanay ahayn inuu askarta la murmo iyo inuu saldhigyadda yimaadda.

SomlegalAds

Afhayeenka ciidanka booliska ayaa sheegay in labaddan qof ee gudoomiyaha golaha Wakiiladda booqanayey lagu eedeeyey inay dhaawac gaadhsiiyeen muwaadin reer Somaliland kaasi oo dambigoodda la baadhayo.

Faysal Xiis oo sharaxaya siday wax u dhaceen iyo eeddda gudoomiyaha oo iska leexinayo waxa uu yidhi“Waxa goor barqo ah yimid saldhiga dhexe ee Hargeysa gudoomiyaha xisbiga WADANI, ahna gudoomiyaha golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, kaasi oo u socday laba nin oo ku xidhan saldhiga oo la kala yidhaahdo Muniir Axmed Cigaal iyo Cali Jibriil Xasan, labadaasi nin oo lagu eedeynayo inay labadaasi nin si wada jir ah dhaawc u geysteen Dhibanne Jaamac Cilmi Siciid loona yaqaan Aqoonyahan Jaamac Jiir, waad ka arkayseen warbaahinta iyo baraha bulshadda isagoo gacantu jabantahay ilkuhuna ay dhiigayaan, iligna ka soo dhacay, cid walbana sharciga ayaa ka sareeya sida uu qabo  qodobka 3aad ee xeerka ciqaabta guud kaasi oo ka hadlaya in sharciga loo siman yahay,, gudoomiyahana meeqaamkiisa may ahayn inuu saldhig tago, mana jirto wax hub ah oo lagu qabtay iyo aflagaado loo geystay midnaba, waxaana marag ma doon cad u ah inuu goobtaasi joogay taliye ku xigeenka ciidanka booliska, sidoo kale waxa ayaandaro ah in shalay niman xilal cul culus ka hayey dalka inay saldhigyadda yimaadaan oo ay had iyo jeer ciidanka la murmaan, taasina waa mid ayaandaro ah oo aad iyo aad looga yaabo, waxaan leeyahay waar ha la kala saaro siyaasadda iyo sharciga, labadaasi nin wax siyaasad ah oo ay u xidhan yihiin ma jirto ee sharciga ayey u xidhan yihiin, waxaamna lagu eedeynayaa dambigaasi ay galeen, laabadaasi nine e ku xidhan saldhiga gacanta ayaa lagu hayaa, waxaana loo gudbinayaa maxkamadda”.

Jawaabtan ayaa ka dambeeyey ka dib markii gudoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan xisbiga WADANNi oo doonayey inay booqdaan Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan xisbigaasi balse loo diiday,isla markaana gudoomiye Cirro sheegay in askartu u diiday markii uu taliyaha telefiinkiisa gacanta garaacayna uu ka qaban waayey.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.